Madaxweynaha oo Farriin u diray Soomaaliya: “Awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta khudbad dhinacyo badan ka jeediyey munaasibad loogu dabbaal-degay 23-guurada maalinta Qaranimada Somaliland, ayaa sheegay inay xukuumaddiisu sii wadayso wada-hadallada u socda Soomaliya, balse aanay taas micnaheedu ahayn inay Somaliland ka tanaasushay go’aankeeda madax-bannaanida.

DSC_0154Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 18-May farriin ugu diray shacabka Somalia inaanay shacabka Somaliland diyaar u ahayn inay dib u soo noqdaan cadaawaddii iyo dhibaatooyinkii hore u soo maray,  waxaanu sheegay in dhex-dhexaadinta beesha Caalamka ee wada-hadallada labada dhinac ujeeddadeedu tahay sidii umadda Soomaaliyeed darisnimo lagu badhaadho u heli lahaayeen.

“Walaalahayo Somaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada. Walaalayaal, awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo khudbaddiisa ay ka muuqatay dareen waddaniyeed iyo shucuur beddeshay jewigiisa.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey dhex-dhexaadinta beesha Caalamku ka dhex-waddo Somaliland iyo Somaliya, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada somaaliyeed u horseedi karta in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa  dawladihii  sida hagar la’aanta ah  gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi,  haatanna diyaarka  u ah  inay sii wadaan  dedaalkaas,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

DSC_0094 IMG_0132 IMG_0184

SOMALILANDPOST.NET