Madaxweynaha oo Dalka ku soo laabtay Kana War-bixiyey Natiijada Kulan Dhexmaray Raysal-wasaaraha Itoobiya

IMG_0140Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka warbixiyey ujeeddada kulan uu magaalada Addis Ababa kula qaatay Raysal-wsaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha.

IMG_0026Md Axmed Siilaanyo oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib socdaal laba maalmood qaatay uu ugu maqnaa magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay inay raysal-wasaaraha Itoobiya ka wada-hadleen arrimo ku saabsan xidhiidhada kala duwan ee ka dhexeeya labada waddan.

IMG_0168Madaxweynaha oo ka war-bixinayey waxyaabaha ay isla soo qaadeen raysalwasaare Desalegn, ayaa sheegay inay isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka mandaqadda, xidhiidhka ganacsi iyo adeegyada bulshada ee ka dhaxayn kara labada waddan, waxaanu yidhi, “Waxaan u amba baxay dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, waxaan la kulmay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya waxaanu ka wada hadalnay danaha labada dal iyo mandaqadda, si wanaagsana waanu isku afgaranay waxyaalaha aanu ku heshiinay waxa ka mid ah inaanu ka wada shaqeeyno maslaxada mandaqada aynu ku wada nool nahay oo caado inoo ah, waxa kale oo aanu kawada hadalnay sidii itoobiya u isticmaali lahayd dakada berbera, islamarkaana looga wada shaqayn lahaa wadooyinka inoo dhaxeeya, laydhkana wax looga qaban lahaa, nabad gelyadana si wada jir ah mandaqada oo dhan wax uga wada qaban lahayd.”

IMG_0079Waxa uu madaxweynuhu sheegay inay labadooda dhinac isla af-garteen horumarinta iyo sii xoojinta xidhiidhada ganacsi iyo iskaashiga dhinaca ammaanka.

IMG_0075“Si wanaagsan ayaanu iskugu afgaranay arrimahaasi horumarintooda iyo in laga wada shaqeeyo. Itoobiya waa dal-weyn oo aynu jaar nahay oo walaalkeen ah oo wax badan wada qabsan karno, Insha Allaahu is-afgaradkaa waxa raaci doona inaanu fulino labadayda dhinac ama dal,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.