Madaxweynaha Nayjeeriyo Oo 26 Masuul Ka Caydhiyay Dawlada Xili Isbadalo Waaweyn Laga Filaaayo

Nigeria(SLpost)-Madaxweynaha waddanka Nigeria, Muxammadu Buhari, ayaa waxa uu xilka ka qaaday ugu yaraan 26 mas’uul oo madax ka ahaa wakaalado iyo waaxyo muhiim ah oo ka tirsan dowladda oo ay ka mid tahay warbaahinta.

Waxaa la waydiistay in ay xilka ku wareejiyaan saraakiisha ugu sarsareysa waaxaha ay ka tirsan yihiin ilaa madax cusub laga soo magacaabo. Waa bilowga isbadello waa weyn oo la filayo in ay saameyso boqolaal wakaaladood iyo waaxyo ka tirsan dowladda.

150713143541_nigeria_president_muhammadu_buhari_512x288_ap_nocredit

Madaxweynaha ayaa waxaa saarnaa cadaadis ballaaran oo ku aadan in uu isbadeladan sameeyo, taasi oo xilalka looga qaadi doono inta badan dadkii ka ag dhawaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Goodluck Jonathan.Waxaa la filayaa in madaxdaasi xilka laga qaaday ay badeli doonaan xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee APC, gaar ahaan kuwa dowrka muhiimka ah ka qaatay doorashadii Madaxweyne Muxammadu Buhari.

Magacaabista jagooyinkaas ayaa waxaa loo arkaa in ay yihiin mag dhaw ku aaddan dadkii waqtigooda iyo maalkoodaba galiyay sidii uu xisbigu talada ku qaban lahaa. Dadkii jagooyinkan horay u hayay ayaa lagu yaqaannay in ay hantida qaranka ay jeebabkooda ka buuxsadaan.

Hasayeeshee markii la fiiriyo sida uusan Muxammadu Buhari ugu dulqaadanayn musuq maasuqa ayaa waxa ay xaaladda ka dhigi doontaa mid aad u adag oo howshu aanay sidii hore ahaan doonin.