Madaxweynaha Nayjeeriya oo Ku Dhawaaqay in Uu Isagu Maamuli Doono Wasaaradda Baatroolka Ee Dalkiisa

 

Newyork(SLpost)-Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa sheegay inuu isagu maamuli doono wasaaradda batroolka dalkaas, kaddib markii Xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha ah ay soo wajahday Nigeria oo ka mid ah waddamada Afrika ee qaniga ku ah shidaalka.

 

Buhari ayaa Hadalkan ka sheegay shirka Qaramada Midoobay, isagoo ka duulayay Musuq-maasuqa hareeyay Hay’adda Batroolka ee dalkiisa.

Dalka Nigeria ayaa 90% dhaqaalihiisa wuxuu kasoo galaa shidaalka, waxaana ku yimid shidaalka qiime dhac aad u weyn, taasoo sabab u noqotay xaaladda dhaqaale ee haysta Nayjeeriya.

Mohamedu Buhari ayaa daadal weyn ugu jira sidii uu xaaladda dhaqaale xumo ee dalkiisa ka jira uga saari lahaa, uuna uga hortegi lahaa musuq-maasuqa dalkiisda hareeyay. Isagoo magacaaban doona kaaliye howsha la wada.

Sidoo kale, Buhari ayaa Xilligii ololaha doorashada uu ku jiray ayaa wacad ku maray inuu dalkiisa ka tir-tiri doona musuq-maasuqa, waxaana hadalkiisan uu imaanayaa xillli Wasaaradda Batroolka dalkaas uu kasoo shaqeeyay Buhari intii u dhexeysay 1970 illaa 1990.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Nigeria ayaa dhawaan la filayaa inuu Golihiisa Wasiirrada soo magacaabo, Waana markii u Horreysay ee uu Gole Wasiirro ku dhawaaqa tan iyo markii xilka loo dhaariyay Bishii May ee Sannadkan 2015-ka.