Madaxweynaha Masar oo Baaqyo ka soo Jeediyey dalka Suuriya iyo Meel ka-dhaca reer Galbeedku ku Gefayaan Nebi Muxammad (NNKHA)

Brussels (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Masar Maxamed Marsi oo Booqasho ku jooga xarunta midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalka siiriya inuu xilka madaxtinimadda isaga dego, mar hadii aanay ogolayn shacbigiisu.

Madaxweyne Maxamed Marsi  oo saxafiyiinta la hadlayey  waxa uu sheegay in ay  aaminsan yihiin in ay lagama maar-maan tahay in Madaxweyne Asad uu xilka iska dhiibo, isaga oo ku baaqaya in la gaadhay wakhtigii isbeddel ku iman lahaa waddanka Suuriya.

Dhinaca kalena madaxweynaha masar waxa uu cadeeyey in aanay marnaba ogolaanaynin  u in  meel ka dhac iyo af-lagaadayn lagula kaco Nebi Muxamed (NNKHA), taasina ay tahay mid aanu ka soo hor jeedno oo aanaan ogolaan Karin. Waxaanuu intaa raaciyey in Muqadasaadka islaamka iyo Rasuulkuba ay  lama taabtaan ka yihiin muslimiintaba.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net