Madaxweynaha Maraykanka oo u hanjabay hoggaamiyeyaasha xukunka ku dhegsan ee Bariga Dhexe

Qaahir, (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka Carbeed ee xukunka ku dhegsan tusaale wax ku-qaadasho leh ugu tilmaamay dhimashada Mucamar Qaddaafi, isaga oo uga digay inay xukunka ku sii dhegsanaadaan.

Mr. Obama waxa uu sheegay in dhicitaanka kaligii-taliyeyaasha dalalka Tunisia, Egypt iyo Libya ee uu galaaftay Kacdoonka Guga Carbeed  uu digniin u yahay hoggaamiyeyaasha dalalka Suuriya iyo Yemen oo looga baqayo in xukunkooda tallaabadaas oo kale ku dhammaado.

Bashar al-Asad

Mudaharaadyada ka bilaabmay dalka Suuriya bishii March ayaa ilaa imika galaaftay nolosha 3,000 oo qof kuwaas oo milatariga dalkaasi kula kacay tallaabo bani’aadnimada ka fog.

Xukuumadda Washington ayaa ka dalbatday Bashar al-Asad uu hakiyo cadaadiska uu dadka dimuqraadiyad-doonka ah ku hayo isla markaana uu xukunka ka dego. Sidoo kale, Aqalka Cad waxa uu ku cadaadinayaa madaxweynaha Yemen, Cali Cabdallah Saalax, inuu xafiiska ka tago si uu u dejiyo siyaasadda murugsan ee dalkiisa.

Hoggaamiyaha Maraykanku waxa uu sheegya in dalkiisu la shaqaynayo dawladda ku-meel gaadhka ah ee Libya isaga oo waliba ku booriyey inay si dhakhso leh u hirgeliyaan hannaan dimuqraadiyadda, laakiinse uma ballan qaadin wax taageero ah.

Madaxweynayaashii dalalka Tunisia iyo Masr ayaa noqday kuwii ugu horreeyey ee uu galaafto Guga ka curtay Carabta oo shacbiga dalalkaasi isugu soo baxeen shaaricyada iyaga oo dalbanaya isbeddel xukun.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net