Madaxweynaha Maraykanka Obama Oo Tagay Cuba Oo 55 Sano Madaxweyne Maraykan Ah Aanu Booqan

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho taariikhi ah waxay uga bilaabatay magaalada Havana ee dalka Cuba.

Cuba(Slpost)-Obama ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreyey ee isagoo xil haya booqda dalka Cuba muddo ku dhow 90 sannadood.

obama3

Labada dal ayaa isku dayaya inay dib u soo nooleeyaan xidhiidhkoodii go’ay muddo 55 sano laga joogo. Obama ayaa la kulmaya madaxweynaha Cuba iyo qaarka mid ah dadka mucaaradka ku ah dowladda Cuba.

Aqalka Cad ayaa sheegay in booqashadan ay ka turjumayso xidhiidh cusub oo dhexmara labada waddan ee dagaalka qaboobaa uu ka dhaxeeyay.

Madaxweyne Obama ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya wafdi isugu jira sharci-dajiyayaal ka tirsan labada xisbi, madaxda shirkadaha iyo qaar ka tirsan dadka Cuban-American ah ee ugu caansan.

Obama wuxuu markii uu gaaray magaalada Havana ka sheegay hotel magaalada ku yaalla in safaaradda Maraykanka ee dib loo furay Havana ay ka dhigan tahay inay Maraykanku uu awood u yeelan doono horumarinta qiimaha, danaha Maraykanka iyo inay fahmka walaaca dadka reer Cuba. “Tani waa booqasho taariikhi ah iyo fursad taariikhi ah”