Madaxweynaha Maraykan Obama Oo La Hadlay Musharaxiinta Badali Doona

Us(Slpost)-Madaxweyne Obama ayaa codkiisa ku biiriyay tartanka sii kululaanaya ee loogu jiro qofkii isaga ka badeli lahaa Aqalka Cad, isagoo ugu baaqay muhsarixiinta in ay ka fogaadaan hadalada dhalinaya khilaafka iyo kala qoqobka.

Waxa uu ugu baaqay musharaxiinta in ay ka reebtoonaadaan aflagaadada, rabshadaha iyo hadalada khilaafka dhalin kara ee la xiriira midabka iyo diinta.

Hadalka Mr Obama ayaa yimi maalin un kaddib markii taageerayaasha musharaxa ugu cadcad Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, ay iksu dhaceen mudaaharadaayaal ku sugnaa isu soo bax ka dhacay magaalada Chicago, isu soo baxaasi oo markii dambe la baajiyay.

Musharaxiinta labada xisbi ayaa waxa ay ku eedeeyeen Mr Trump in hadaladiisa aan loo meeldayin ay kicinayaan qalalaase, eedahaasi oo uu iska fogeeyay.

John Kasich, oo ah mid ka mid ah ragga ay aadka isku hayaan, ayaa sheegay in Trump uu abuuray deegaan sumaysan.

Musharaxa ugu cadcad Xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton, ayaa iyana u sheegtay codbixiyayaasha in ay iska diidaan siyaasadaha ku salaysan cagjuglaynta iyo midab kala sooca.