Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Loo Kordhiyay Mudada Uu Ku Soo Magacaabayo Golaha Wasiirada


 

Galmudug(SLpost)-Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug isugu yimaadeen xalay ayaa ay muddada uu soo magacaabayo Golaha Wasiirradiisa ugu kordhiyeen  Madaxweynaha Maamlulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Cabdikariin Guuleed oo hortagay xildhibaannada ayaa ka dalbaday inay waqti ugu daraan muddada magacaabidda Wasiirrada Maamulka, maadaama waqtigii loogu talo-galay ay ku ekayd shalay oo Talaado ahayd.

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa codsiga Cabdikariin Guuleed Cod Gacan-taag ah u qaaday, waxayna ogolaadeen in 15 maalmood loogu daro Madaxweynaha muddada uu Wasiirradiisa kusoo magacaabayo.

Kulanka kaddib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in sababta keentay in waqti dheeraad ah loogu daro muddadii hore ay tahay inuu wadahadal la galo Ahlusunna Waljamaaca ka hor inta aanu Golihiisa wasiirrada soo magacaabin.

“Muddada labada toddobaad ah ee aad i siiseen waxaana doonayaa inaan wada-hadal kula galo Ahlusunna, si is-faham markii uu dhaco aan Golaha Wasiirrada u soo magacaabo,” ayuu yiri Guuleed oo xildhibaannada la hadlayay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay Ahlusunna inay Wadahadalka qaataan, kana taliyaan aayaha shacabka Gobolloda Galmudug ku nool.