Madaxweynaha Lagu Banaan-baxayo Ee Burundi Oo Bulshadiisa Ku Beerla-xawsaday Baqdin Uu Ka Qabo Inay Dalkiisa Al-shabaab Soo Beegsato

Bujumbura, (SLpost)- Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Burundi ee afgambiga ka badbaaday ayaa sheegay in dalkiisa ay halis kaga soo wajahan tahay Xarakada al-Shabaab ee Soomaaliya.PIERRE
Madaxweyne Nkurunziza ayaa sidaasi ka sheegay kulan uu saxaafadda caalamka la yeeshay markii ugu horaysay tan iyo markii uu dhicisoobay afgambi ay militariga dalkaasi damacsanaayeen in ay ku inqilaabaan xukunkiisa todobaadkii hore.
Pierre Nkukunziza waxaa uu sheegay in halis dhinaca amniga ah ay kusoo foolleedaha wadankiisa taasi oo ka imanaysa Ururka al shabaab ee dalka Soomaaliya.
waxaanu dhanka kale sheegay khatartaasi inay la wadaagaan waddamada Kenya iyo Uganda balse waxaa uu qirtay in ay jirto halis al-Shabaab kagasoo wajahan.
Madaxwaynaha Burundi oo tan iyo markii afgambigu fashilmay markii ugu horaysay kasoo muuqday saxaafada horteeda waxaa dad badani u dheg taagayeen inuu ka hadlo isku daygii inqilaab ee ay ku kaceen saraakiil ka tirsan ciidamadu balse madaxwayne Nkrunziza masoo hadal qaadin wax ku saabsan afgambigaasi iyo xattaa qalalaasaha dalkaasi ka jira.
madaxwaynaha ayaa sidoo kale la arkayay isagoo raacay kolon gaadiid ah oo aad loo ilaaliyo.
Dadka dhaleeceeya isla markaana kasoo horjeeda siyaasaddiisa ayaa waxa ay ku baaqayaan in dibad baxyadu ay sii socon doonaan, kuwaas oo looga soo horjeedo qorshaha uu ku doono in uu mar sedaxaad isu soo sharaxo xilka madaxweynaha. doorashooyinku waxaa loo qorsheeyay in badhtamaha sanadka dambe ay ka dhacaan dalkaasi.

Somalilandpost.net