Madaxweynaha la Doortay oo ka Qayb-galay Aaska Marxuum Axmed Yaasiin Gaba-xaddi

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay aaska marxuum Axmed Yaasiin Gaba-xaddi oo dhawaan dalka dibaddiisa ku geeriyooday maantana lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa.
FB_IMG_1511443548024Madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada katirsan, ayaa kamid ahaa dadkii ka qaybgalay aaska marxuum Axmed Yaasiin Gaba-xaddi oo kamid ahaa haldoorkii iyo halgamayaashii bulshada reer Somaliland.
FB_IMG_1511443565036Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu goobta aaska kula kulmay xubno kamid ah qoyska marxuumka, waxana uu kula dardaarmay inay ku sabraan qaddarka eebbe, isaga oo marxuukana eebe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.
FB_IMG_1511443525523Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday taariikhdii ma guuraanka ahayd ee Marxuum Axmed Yaasiin Gaba-xaddi iyo kaalintii lama illaawaanka ahayd eeku lahaa halgannadii kala dambeeyey ee bulshada reer Somailand soo martay, “Maruum Axmed Yaasiin Gabay-xaddi waxa uu ahaa haldoorkii, aqoonyahankii iyo hoggaamiyeyaayaashii Somaliland raggii faro-ku-tiriska ahaa ee kasii hadhsanaa, muddadii isaga iyo raggii la faca ahaa ay dalka madaxda iyo talo-qabeenka u ahaayeen waxa ay soo mareen halganno badan oo kii Ingiriiska, kii SNM iyo kii dambe ee dibu heshiisiintu kamid yihiin, waxana ay inoo jeexeen dad midaysan oo aan kala qaloonaynin oo aan kala qoqobnayn oo waxa ay isku qabtaan iyagu markaba xalliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

FB_IMG_1511443585391FB_IMG_1511443534380