Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo Bari Saxeexaya Heshiiskii Nabada oo uu Hore Uga Cagajiiday

 

South Sudan(SLpost)-Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir, ayaa sheegay in heshiis nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda dalkaasi uu saxiixi doono Arbacada beri ah.

Mr.Kiir ayaa todobaadkii lasoo dhaafay diiday inuu qalinka ku duugo heshiiska, oo uu saxiixay ninka ay is-hayaan ee ah hogaamiyaha mucaaradka, Riek Machar.

150129102208_salva_kiir_640x360_bbc_nocredit (1)

Afhayeen u hadlay madaxweyne Kiir ayaa sheegay in hogaamiyayaasha dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Sudan ay caasimada Juba uga qeyb galayaan munaasabadda heshiiska uu ku saxiixayo. Madaxweynaha ayaa horay u codsaday in la siiyo 15 maalmood oo uu kusoo tashado, waxaana cadaadis lagu saarayay inuu aqbalo heshiiska awood qeybsiga ama uu muteysto cunaqabateyn.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo qaraar qabyo ah oo lagu diyaarinayo cunaqabateyn ka dhan ah madaxda South Sudan, haddii ay saxiixi waayaan heshiiska.