Madaxweynaha Koonfurka Afrika Oo Gacan Ka Gaystay Sidii Uu Dalkiisa Uga Dhoofi Lahaa Dhiggiisa Suudaan

Johannesburg, (SLpost)- Saraakiil ka Tirsan Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa u sheegay  wargayska Mail & Guardian  in madaxwaynaha dalkaasi Jacop Zuma uu gacan wayn ka gaystay sidii madaxwaynaha Sudan uga dhoofi lahaa dalkaasi si aan loogu dhiibin Maxkamadda ICC.jacop and bashiir

Warbixinta ayaa sheegaysa in Madaxwayne Zuma iyo afar ka mid ah golihiisa wasiiradu ay qorsheeyeen qaab qarsoodi ah oo dalkaasi lagaga saarayo madaxwayne bashiir oo maxkamadi amartay in aanuu ka bixi karin dalkaasi.

Jacop Zuma ayaa ku guulaystay in qaabkaasi sirta ah dalkiisa  looga saaro madaxwayne Bashiir oo halkaasi kaga qayb galay shirka midawga Afrika .

Qorshaha oo ahaa mid aad u qarsoon  kamay warqabin inta badan saraakiisha dalkaasi, macluumaadka ku saabsan  meesha uu ku sugan yahay madaxwayne Al-Bashiir, arrintaasina waxaa gacan buuxda ka gaystay laamaha ammaanka madaxtooyada Koonfur Afrika.

ugu dambayntii madaxwayne Zuma iyo saraakiisha arrintaasi kala shaqaysay ayay u suuro gashay in halkaasi uu ka dhoofo  Cumar Xasan Al-bashiir oo marti ku ahaa dalkooda.

ICC ayaa ka dalbatay xukuumadda koonfur Afrika in ay xabsiga dhigaan madaxwaynaha Sudan oo booqasho ku joogay dalkooda, sidaasi awgeed  maxkamad ku taala magaalada Pretoria ayaa soo saartay amar  ka mamnuucaya AL-Bashiir inuu dalkaasi ka baxo, hase ahaatee taasi may suuro galin oo madaxwayne Cumar waxa uu ku laabtay dalkiisa.

Somalilandpost.net

Xigasho HC TV