Madaxweynaha Koonfur Afrika Zuma Oo ka Badbaaday Cod Kalsooni Kalnoqosho Ah

Hargeysa(Slpost)-Madaxweyne Zuma ayaa ka badbaaday cod kalsooni oo uu baarlamaanka qaaday.

zuma2

Wuxuu taageero ka helay xisbiga talada haya ee ANC oo ku badan baarlamaanka.

Mucaaradka ayaa keenay mooshinka baarlamaanka, ka dib markii maxkamada sare ay go’aan ku gaartay inuu jabiyay dastuurka, markuu diiday inuu bixiyo malaayiin dollar oo lacagta dowladda ah oo uu gurigiisa ku dhisay.

Dhowr siyaasiyiin oo ka tirsan ANC ayaa ku baaqay Zuma inuu is casilo.