Madaxweynaha Kiniya Oo Qiray In Ciidamadiisa Somaliya Lagu Laayay

NAIROBI(SLpost)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey in tiro ka mid ah ciidamada Kenya la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Amisom ay ku lee yihiin deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dalkiisa aysan cabsi gelin doonin Al-Shabaab. Waxa uu yidhi in Kenya ay ugaarsan doonto dambiilayaashii ku lugta lahaa weerarka, islamarkaana dhiiga askartiisa aan laga dhigi doonin mid aan macno lahayn. Waxa uu sheegay in Kenya iyo xulafadeeda ay sii joogi doonaan Somaliya, si ay u gutaan waajibka ay halkaas u joogaan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa afar baabuur oo walxaha qarxa laga buuxiyey ku weeraray albaabka xerada, waxaana kadib xigay dagaal xooggan oo dhex maray ayaga iyo ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugnaa. Al-Shabaab waxa ay sheegatay inay lixdan askari ku dishay weerarka.