Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa oo Galabta Gaadhay magaalada Addis Ababa, Caawana u Ambabaxaya dalka Turkiga (Sawirro)

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay galabnimadii Soo gaadhay, Xarunta oo looga arimiyo wadanka Ethiopia ee Addis Ababa.

Madaxweynaha iyo waftigiisuba Saacado kooban ayay Transit ku ahaan doonaan Addis Ababa waxaanay uga sii gudbayaan dalka Turkiga oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen. Waxaana magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliland u fadhiya Ethiopia Md Aadan Nuur Dhuulle iyo xubno ka tirsan Safaaradda Somaliland ee Ethiopia.

Madaxwaynaha Somaliland waxa wafigiisa  ka mida Marwada madaxaynaha Aamina-waris, Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, Wasiirka Dib u dejinta Saleeban Xagle-toosiye iyo Wariyaha khaaska ah ee madaxwaynaha Somaliland Siciid-Maazim Axmed Caawale. Wefiga madaxaynaha  waxa kusii sugaya dalka Turkiga xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland. Muddada uu madaxweynuhu ku sugan yahay dalka Turkiga waxay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiin  ka tirsan xukuumadda Turkiga oo uu ugu horreeyo Raysal wasaare Rajab Tayib Ordogan.

Wariye Maazim Axmed Cawaale

maazim_10@hotmail.com