Madaxweynaha jamuuriyada somaliland Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Oo Shacbiga u diray Farriin ku wajahan 22-guuradda xornimadda Somaliland

SiilaanyooHARGEYSA (SLPOST)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan oo weyneeyaan munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay farriin gaaban oo uu ugu tallo galay inuu shacbiga hawadda u mariyo munaasibadan beri oo Sabti ah dalka laga xusayo darteed.

“Xiligan oo aynu u dabaal degayno xornimada Somaliland, waxaan anigoo ah madaxweynaha Somaliland ugu baaqayaa bulshadda Somaliland ee ku kala sugan daafaha dunida inay u midoobaan xuska 22-guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, siday caawa daabacday mareegta SomalilandGov.

“Waxay bulshadda Somaliland u noqonaysaa xuskani fursad la yaableh oo isku keenaysa bulshada Somaliland. Meel kasta oo aad ka joogtaan adduunka waxaan idiin rajaynayaa wakhtigan la xusayo qaranimada Somaliland inaad soo xasuusataan walaalahiin. Taariikhda dalkeenu waxay 22-kii sanadood ee la soo dhaafay soo martay marxlado badan,”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland

.
“Dalkeenu waa jasiirad nabadoon oo maamul wanaag ka jiro oo ku yaalla Geeska Afrika,”ayuu sheegay Madaxweynuhu.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba ku bogaadiyay munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu intaas raaciyay“Wada jirkeenu waxa uu keenayaa inaynu hagaajisano mustaqbalka oo horumarino dalkeena aynu dhammaanteen u han-weyn nahay,”

SOMALILANDPOST.NET