Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Magacaabay Safiirro Cusub

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud ayaa goor dhawayd magacaabay safiirka wareega ee Somaliland iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya. Magacaabistan safiirada ayaa ku soo beegmaysa isla maanta oo shir magaalada Hargeysa uga furmay safiirada Somaliland iyo wasaaradda ay hoos yimaadaan ee arrimaha Dibada JSL.

Warsaxaafadeedka madaxweynuhu ku magacaabay safiirada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Somalilandpost.net ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3714/122015 ku magacaabay Danjireyaal cusub.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu La-tashaday:        Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.

 

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

1. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

2. In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland

Â