Madaxweynaha Jabuuti oo Mucaaridka Ku Eedeeyay in ay Dimuqraadiyad Rabaan

 

 

Djibouti(SLpost)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay doonayaan fowdo iyo is dhex yaac inay dalka u horseedaan, isagoo difaacay go’aanka uu mar afaraad iskugu sharaxayo madaxtinimada dalkiisa.

 

Mr Geelle oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in mucaaradku doonayaan dimoqraadiyad is dhex yaac ah, isla markaana doonaya inay ku dabaqaan sida kuwa caalamka oo kale.

 

“Halka aan ka nimid iyo halka aan maanta joogno, sida ay iyagu doonayaan waa Mucaarad odhanaya dawlad ma jirto, anagu waxaanu arki jirnay mucaarad eedeynaya ama dhaliilaya, laakiin uma heysano mucaarad inuu yahay kan odhanaya dawlad ma jirto, kuwaa waanu iska qabaneynaa, waliba mucaaradnimadu waxay tahay ayay baranayaan, dimoqraadiyada ay ku soo arkeen France iyo Brussles ee sida is yaaca, fowdo ayay rabaan”ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

 

Waxaa uu sheegay in aanay jirin cid siyaasad lagu xidhay ama loo dilay isagoo xusay in dalka 16-kii sano horumaro badan gaadhay, balse uu jiro dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah.

 

“Dadka Madaxda iyo shacabku waxay ka mideysan yihiin in Caasimadu nabad iyo xasilooni ka jirto, qof shisheeye ama sokeeya laguma dhaco, lagumana dhibaateeyo, cid kasta oo fowdo iyo dhibaata wadana waanu ka hortageynaa”ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti.

 

Mucaaradka Jabuuti ayaa dhawaan ka hor-yimid in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar afaraad uu isu soo sharaxo madaxtinimada dalkaas, kadib muddo 16 sano ah oo uu xukunka hayay.