Madaxweynaha Jabuuti oo Markii Afraad u Taagan Musharaxnimada Madaxweyne

Jabuuti(SLpost) -Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii afraad isku soo taagay doorashada madaxnimada dalkiisa, waxaanu shacbiga ku booriyay in loo codeeyo si uu uga reeyo mucaaradka oo uu ku tilmaamay kuwo aan khayr u soo wadin waddankiisa.

 

Madaxweyne Geelle, ayaa ku afgobaadsaday in shacbigu dalbaday inuu markale hogaanka u sii hayo, isna uu la qaatay inuu dalkiisa u sii adeego. Waxa uu sheegtay in wax kasta ha ku qaadatee uu qabanayo xilkaasi mar afraad, laakiin xaqiiqada ayaa intaasi ka duwan.

 

Doorashooyinka Jabuuti ayay inta badan mucaaradku ka cawdaan, iyadoo ku dooda inaanay ahayn mid caddaalad u dhacday. Iyaga oo sheega in shacabka lagu qasbo u coddaynta Geelle islamarkaana ay cabsi codkooda ku siiyaan balse aqlabiyadda shacabku ay ka soo horjeeddo maamulka madaxweynahan markii afraad isku soo taagaya madaxweynenimada dalka.