Madaxweynaha Jabuuti oo Cabsi uu ka Qaaday Kacdoonnada Carabta Ugu Dhawaaqay in aanu Mar Dambe Isku Sharrixi doonin Madaxtinimada Dalkiisa

Jabuuti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku dhawaaqay in aannu mar kale isku sharixi doonin madaxtinimada dalkaas oo uu soo qabtay saddex jeer oo isku xiga ilaa 1999-kii.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi dheer siiyey wargeyska Sharqul-awsad oo ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska dhawaan, waxa uu ku  shaaciyey in sababta uu u go’aansaday in aannu mar dambe isku sharixin madaxtinimada dalkiisu la xidhiidho kacdoonadii ka curtay wadamada Carabta oo galaaftay hoggaamiyeyaal badan, iyadoo muddada madaxtinimo ee Ismaaciil Cumar Geelle ku egtahay sannadka 2016.

Geelle“Waxaan qabtay xilka markii uu ka dagay madaxtinimada madaxweyinihii hore ee Xasan Guuleed Abtidoon, isbeddelkaasoo ku dhacay si nabadgelyo ah, kumana talo jiro in aan ku sii dheganaado xukunka, kumana tallo jiro in aan markale isa soo sharaxo markay dhammaato muddadayda oo ku eeg ilaa sannadka 2016, balse ilaa muddadaydu dhammaanayso waan sii haynayaa xilka ay ii dhiibteen shicibkaygu, annagoo ka mid ah dawladaha yar ee nabadgelyada iyo deganaanshuhu ka soo jirtay, kuna darsanay dimuqraadiyad, taasoo asal u ah nidaamka xukunkayaga,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xaaladda dalka Jabuuti, kadib kacdoonadii ka dhacay dalalka Carabta.

Madaxweynaha Jabuuti oo sababeeyey waxyaabaha ku dhaliyey in aannu mar dambe isku sharaxin tallada dalkiisa, waxa uu yidhi; “Annaga namay saamayn kacdoonadii gilgilay dalalka Carabta oo xaaladayada dhaqaale way degan tahay, dimuqraadiyadana hore ayaannu u qaadanay, qof kastaana waxa uu xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato doorashooyinka, habka xukunkana waannu daadajinay iyadoo la dhisay maamulo inta badan qabta hawlaha gobolada iyo degmooyinka, waxa kaloo aannu awooda saarnay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dadkayaguna waxay ogyihiin inay doorasho ku beddeli karaan madaxdooda, diyaarna uma aha inay qas iyo kacdoon wax ku beddelaan, laakiin anniga oo ka faa’iidaysana kacdoonnadaas iyo isbeddeladaas diyaar uma ihi in aan mar kale isa soo sharaxo sannadka 2016, waxaanan jidka u bannaynayaa inay da’yarta iyo dhiigga cusub qabtaan tallada dalka.”

Waxa kale oo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaga hadlay waraysigiisa xaaladda ka taagan mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo rabshadaha ka aloosan dalka Yemen, isagoo sheegay inay Jabuuti barbar taagnaanayso wadanka Yemen si uu u helo xasilooni, ugana baxo qalalaasaha ka taagan.

XIGASHO: Wargeyska HIMILO