Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka oo dhex-dhexaadin kaga jira Muranka Dhulka ah oo u dhexeeya Wasaaradda Duulista iyo Ciidanka Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay qiray in isfaham-darro iyo khilaaf soo kala dhex-galay Ciidanka Qaranka Somaliland oo ay isku maan-dhaafeen Xayndaabka loo samaynayo garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo gaadhay Xeryo ay Ciidanka Millaterigu ku leeyihiin duleedka Madaarka.

Maxamuud Xaashi CabdiWasiirka Duulistu waxa uu ku dooday in khilaafkaas iyo is-faham-waagaas soo kala dhex-galay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Ciidanka Millaterigu uu sababay inay is-taagto shaqadii lagu xidhayey Xayndaabka Madaarka Hargeysa, hase-yeeshee, arrintaas xalkeeda gacanta lagu hayo, isla markaana cid wax gaar ah doonaysaa aanay jirin ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku gacanta ku hayaan arrintaas.

Kulan ay Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada Somaliland la yeesheen Axaddii shalay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii uu dhammaaday ka dib, waxay Weriyeyaashu wax ka weydiiyeen Wasiirka waxyaabaha ay ka wadahadleen Guddiga, waxaanu sheegay inuu sharraxaad iyo faahfaahin ka siiyey Masuuliyadda uu Qaranka u hayo oo ay Su’aalo ka weydiiyeen, isla markaana iskaga xog-waraysteen Shaqadiisa sida uu sheegay.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA

Somalilandpost.net