“Madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda ee Madax-dhaqameedoow…” – Gud Guurtida

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka dalka oo xukuumadda ku eedeeyey inay ka gaabisay wada-hadallada Soomaaliya, sidaas awgeedna ay madax-dhaqameed ahaan soo faro-geliyaan isla markaana ka qayb-qaadanayaan wada-hadallada labada dhinac.

Hadalka ka soo yeedhay madax-dhaqameedka arrintan ka hadlay, waxa soo dhaweeyey qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Soomaaliya oo ku bogaadiyey go’aanka ay shaaciyeen madax-dhaqameedka Somaliland, iyadoo arrintaasi loo arkay olole siyaasadeed iyo qorshe ay dabada ka riixayso dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Haddaba, guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo arrintaas daba-socda, waxa uu ugu horrayn shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan wada-jirkooda iyo midnimadooda isla markaana ka dheeraadaan tafaraaruqa dhexdooda ah.

“Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayey kulan maanta madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha, madaxda xisbiyada mucaaradka iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo Wakiillada.

Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka dalka ee ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya, isagoo sheegay in wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay.

“Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” Sidaas ayuu yidhi Md Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net