Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa booqanaya Faransiiska

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa maanta booqanaya Faransiiska, kadib saddex maalmood oo uu joogay Talyaaniga.

Mr Rouhani ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiisyo ganacsi kadib markii laga qaaday Iran cunoqabatayntii Qaramada Midoobay. Heshiisyada uu saxiixayo waxaa ka mid ahaan doona heshiis ay Iran ka gadanayso in ka badan boqol diyaaradood shirkada Airbus.

Mr Rouhani ayaa la kulmi doona madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande. Booqashada shanta maalmood ee Rouhani ee Fransiiska iyo Talyaaniga ayaa ah booqashadii ugu horaysay ee madaxweyne Iran in ka badan toban sano, iyadoo madaxweynaha Iran uu doonayo inuu dib u dhiso xiriirka ganacsi iyo inuu galo heshiisyo ganacsi oo cusub.

Iran ayaa u baahan doonto diyaarado cusub sanadaha soo socda, iyadoo dib u soo celinayso duulimaadyadii caalamiga ee ay cunaqabataynta saarnayd, shirkada samaysa baabuurta ee Fransiiska ayaa sidoo kale bilaabi doonta inay Iran ganacsi la samayso.

Mr Rouhani ayaa saxaafada u sheegay inuu hesiis la gali doono Airbus, shirkadaha baabuurta ee Peugeot iyo Renault.