Madaxweynaha Iran oo soo gabagabaynaya Booqashadiisa Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa soo gabagabaynaya booqashadiisa Qaramada Midoobay ee New York, si uu uga qeybgalo xus lagu sharfayo xujaajtii Sacuudiga ku geeriyootay toddobaadkii hore.

Madaxweyne Ruuxaani, ayaa u ku laaban doona Iran kaddib hadalkiisa golaha guud ee galinka dambe ee isniinta maanta . In ka badan toddoba boqol oo xujaaj ah ayaa khamiistii ku dhintay is riixriixii ka dhacday Mina, oo ku taal dibadda Makkah, waxayna badi dadkaasi u dhasheen Iran.

Meydadka boqol iyo sodon ka mid ah dadkii geeriyooday, ayaa talaada la geyn doonaa Tehran. Iran, ayaa sheegtay ku dhawaad seddax boqol oo dadkeeda ah in la la’yahay.

Si kastaba ha ahaatee Iiraan ayaa wali ku taagan eedaynta ay u jeedinayso sucuudiga.