Madaxweynaha Iran oo Sheegay in Shareecada Islaamku Xaaraantimaysay Haysashada Hubka Nukliyeerka

Iran(SLPOST)Madaxweynaha dalka Iran Mr. Hassan Rouhani, ayaa shaaciyey in dalkiisu aannu ku hawlanayn samaynta iyo haysashada hubka sida xun wax u gumaada ee nukliyeerka, isagoo xusay in shareecada islaamku xaaraan ka dhigtay haysashada hubkaas.

hassan Rohani

Dawladaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Israa’iil, ayaa cabsi weyn ka qaba in dawladda Iran ku hawlan tahay sidii samaynta hubka nukliyeerka, iyadoo arrintaasi sababtay in dhawr jeer cunaqabatayn kala duwan la saaro Iraan si cadaadis loogu saaro in aanay hantiyin hubka nugliyeerka.

Haseyeeshee, sida lagu baahiyey telefishanka Al-jazeera iyo wakaaladda wararka ee AP, madaxweynaha Iran oo hadal u jeediyey saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca dalkiisa, ayaa sheegay inay aad u fududahay in dalka Iran samaysto hubka khatarta ah ee sida xun wax u gumaada, balse waxa uu tilmaamay in shareecada islaamku ka hortaagan tahay inay hubkaas samaystaan.

“Ma raadinayno in aannu helno hubka khatarta ah ee wax gumaada, taasina waa khad cas oo aanan ka gudbayn. Haddii Iran hubkaas doonayso si dhibyar ayey u samaysan kartaa. Hubka wax burburiya ee kiimikalka iyo bayoolojiguba (Chemical and biological weapons) aad buu noogu sahlan yahay in aannu samaysano, laakiin caaqiidadayada, diintayada iyo iimaankayaga ayaa nagu waajibiyey in aanan raadsan ama samaysan hubkaas halista ah ee nugliyeerku ku jiro,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Iran.

Waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Iran xilligan loo qorsheeyey hannaan nabadgelyo iyo xasillooni ah oo lagula dhaqmo beesha caalamka, isagoo arrintaas ka hadlayna waxa uu yidhi; “Siyaasadda khaarajiga Iran waxa lagu saleeyey in la dabciyo xiisadaha colaadeed, lana dhiso kalsoonida u dhexaysa Iran iyo dalalka adduunka, tallaabadanna maaha mid xeelad siyaasadeed ah, hase ahaatee waddanka Iran ma doonayo in wax xiisad iyo colaado ah dhexmaraan caalamka, laakiin arrintaasi maaha mid aannu kaga tannaasulayno sharafta, madaxbannaanida, danaha iyo qiimaha dalkayaga Iran.”

Xiisaha iyo xaaladihii colaadeed ee u dhexeeyey Iran iyo waddamada reer galbeedka, ayaa xilligan wax weyn iska beddeleen markii uu xilka madaxweynenimo ee dalkaas loo dhaariyey Hassan Rouhani oo ah siyaasi qunyar-socod ah, iyadoo arrintaasina keentay in wadahadalo la xidhiidha hubka nukliyeerka u bilawdaan Iran iyo waddamada waaweyn ee adduunka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland