Madaxweynaha Iiraan oo Booqanaya Dalalka Yurub

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa yimid magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isagoo Yurub ku maraya booqasho la filayo inuu ku saxiixo heshiisyo ganacsi.

Booqashashada ayaa timid toddobaad kadib markii Iran laga qaaday quna qabatayntii dhaqaale ee saarnayd, kadib markii ay fulisay heshiiska nuckliyeerka ee ay la gashay waddamada reer galbeedka.

Rouhani ayaa la filayaa inuu la saxiixo heshiisyo dhan siddeed iyo toban bilyan oo dollar shirkadaha Talyaaniga.

Kadib wuxuu aadi doonaa Paris, halkaasoo la filayo inuu la saxiixo Airbus heshiis ay Iran ku iibsanayso in ka badan boqol dayuuradood.