Madaxweynaha Gambia oo si Toos ah Ugu Dhawaaqay in Dalkiisu Yahay Jamhuuriyad Islaami ah

 

SLpost- Madaxweynaha dalka muslimiintu u badan yihiin ee Gambia, Yahya Jammeh ayaa maanta shaaciyay in dalkiisa uu yahay Jamhuuriyad Islaami ah, isagoo baabi’iyay dhamaan fasaxyadii dalkaas uu lahaa ee ay gumeystayaashu dajiyeen.

Yahya Jammeh ayaa hadalkan ka sheegay Telefishinka Qaranka dalkiisa, isagoo sheegay in dalkiisa uu wixii maanta ka dambeeya ku dhaqmi doono, xushmeynna doono ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Gambia wuxuu intaas ku daray inaysan jiri doonin wax sharciyo ah oo lagu soo rogi doono sida ay u labistaan shacabka dalkaas, isla markaana loo ogolaan doono dadka diimaha kale haysta ee dalkaas ku nool inay si xor ah u dhaqmaan.

Bulshada ku dhaqan dalka Gambia ayaa 90% ah dad muslimiin ah. Dhaqaalaha dalkaas oo horay uu Ingiriisku u gumeystay ayaa wuxuu intiisa badan ku tiirsan yahay dalxiiska ay u tagaan dalkaas dadka u dhashay dalalka dhaqaalaha leh. Inkastoo xidhiidhka dalkaas iyo kuwa reer galbeedka u dhexeeya uu dhawaanahan ahaa mid sii xumaanayay.

Jammeh ayaa dalka Gambia oo ku yaalla Galbeedka Afrika wuxuu xukumayay 21-kii sano ee lasoo dhaafay. Iyadoo waddamada reer galbeedku ay sanadkii hore ka joojiyeen dalkaas gargaarkii ay siin jireen, kaddib markii la sheegay in xuquuqda aadanaha ay tahay mid aan wanaagsanayn.

“Wadanka Gambia waxaa shacabkiisu ay u badan yihiin Muslimiin, sidaa awgeedna ma sii wadi karno ku dhaqanka sharciyadii ay gurmeystayaashu dajiyeen,” ayuu Yahya Jammeh ka yiri Telefishinka Qaranka dalkiisa, isagoo sharraxayay sababta uu u qaatay go’aanka ah in dalkaas uu yahay Jamhuuriyad Islaami ah.

Jamhuuriyadaha Islaamiga ah ee caalamka ka jira ayaa waxaa ka mid ah; Iran, Pakistan iyo Mauritania oo Afrika ku taalla, iyadoo dalka Gambia ay noqonayso Jamhuuriyaddii labaad oo Islaami ah oo Afrika ku taalla.

Madaxweyne Yahye Jammeh ayaa dalkiisa ka saaray dalalka barwaaqo-sooranka sannadkii 2013-kii, kaddib markii uu ku tilmaamay in ururkan uu sidii gumeyste u dhaqmayo, sidaas awgeedna aysan kasii mid ahaan karin.

Ugu dambeyn, Gambia ayaa shaaciyay sannadkii 2007-dii inay dawooyinka dabiiciga ah u heleen cudurka halista ah ee AIDS-ka.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland