Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqashadii Labaad ku Tagay Wadanka Afrikadda Dhexe Oo Dagaaladu Aafeeyeen

Centaral Africa(SLPOST)Madaxweynaha waddanka Faransiiska Francois Hollande ayaa booqashadii labaad ku tagay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, tan iyo markii uu ciidamo u diray,

Francois Hollande

si ay u soo celiyaan nabadgelyada iyo xasiloonida. Ciidamadamo uu Faransiisku hoggaaminayo ayaa hawlgalka nabada Qaramada Midoobey ka bilaabay Jamhuuriyada Afrikada Dhexe, tan iyo intii ay sii xoogeysanayeen rabshadaha u dhaxeeyay dadka Muslimiinta laga tirada badan yahay iyo Kirishtaanka. Booqashada uu ku tagay maanta oo Jimce ah ayaa la xidhiidha sidii Faransiisku u sii xoojin lahaa ciidamada ka jooga dalkaas oo gaadhaya ilaa 1,600 askari oo ay wehlinayaan kumanaan askari oo ka socda Midowga Afrika

Midowga Yurub ayaa dhawaan ballan qaaday inuu u diray ilaa kun la taliyeyaal iyo saraakiil gacan ka siiya ciidamadda ammaaka hawlaha tababarida, si loo soo celiyo xasiloonida. Madaxweynaha Faransiiska ayaa doonaya in la gaadhsiiyo tirada ciidamadda nabad ilaalinta ilaa 9,000 askari, isagoo ballan qaaday inuu u diri doono 400 askari oo dheeraad ah. Maleeshiyooyinka Masiixiyiinta ayaa waday weeraro ka dhan ah dadka Muslimiinta ah, iyadoo ciidamadda nabad ilaaliyeyaasha ay isku dayayaan inay iska caabiyaan weeraro uga yimaada maleeshiyooyinkaas oo doonaya inay laayaan dadka muslimiinta gabaadka u galay xeryaha ciidamadda. Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalado bani’aadanimo, iyadoo laga qaxay magaalooyin badan markii rabshado ay ka soo cusboonaadeen.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland