Madaxweynaha Elatariya oo Beeniyay In Cunto Yari Haysato Dalkiisa

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ku ganacseyray cabsida ah in dalkiisu ay heysato cunto yari ba’an – iyada oo abaar xun ay ka taagan tahay Geeska Afrika.

Waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay in siyaasadda dowladda ee wanaagsan ay ka dhigan tahay in Eritrea ay wax ka qaban karto wax soosaarka beeraha ee hoos u dhacay.

Qaramada Midoobay ayaa dhowaan ka digtay in duufaanta El Nino ay sababtay abaar xun oo ka dhacday Eritrea, taasi oo hoos u dhigtay wax soosaarkii midhaha beeraha boqolkiiba konton iyo sagaal.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u ololeeya ayaa sheegay in cadaadiska dowladda ay ku heyso dadka ay keentay in shan kun oo qof ay ka qaxaan dalka bil walba.