Madaxweynaha DDSI oo lagu soo dhaweeyey Hargeysa iyo Ujeeddada Socdaalkiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Wajaalle ee Xudduuda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya.

 

Wasiirrada Arrimaha Gudaha,  Hawlaha Guud, iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Maamulka gobolka Gabiley ayaa  Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku soo dhaweeyey magaalada Wajaale, waxa kaloo soo dhaweyntaas ka qaybqaatay boqolaal dadweyne ah oo si xamaasad leh u qaabiley Madaxweyne Mustafe Cagjar.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in weftiga madaxweyne Mustafe Cagjar ay Somaliland u yimaadeen hawlo shaqo oo labada dal la xidhiidha, waxaanu u mahadceliyey dadweynihii sida walaaltinimada leh u soo dhaweeyey. Waxaana loo weftigaas soo gaadheen magaalada Hargeysa, iyadoo la filayo in Md Cagjar oo uu goob-joog ka ahaado dhagax-dhigga mashruuca Berbera Corridor oo ah dhismaha Jid-ganacsi isku xidhaya magaalooyinka Berbera iyo Tog-Wajaale, waxaana la filayaa in weftiga Madaxweynaha DDSI kulan la yeesho Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaalkan Hoose Ka Daawo Faahfaahinta Warkan