Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Somaliland iyo Somalia ugu baaqay Wada-hadallo

London, 23 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Somalia inay bilaabaan wada-hadallo danahooda khuseeya, isaga oo dhinaca kalena xusay in Somaliland Fursad weyn oo dhaqaale ka helayso shirka London ee ay ka soo qayb-gashay.
Madaxweyne Geelle waxa uu sidaas ku sheegay khudbad uu ka jeediyey shirka maanta ka socda magaalada London ee Arrimaha Soomaalida lagaga hadlayo. “Waxaanu rumaysanahay ina wanaagsan tahay in walaaladayada Somaliland iyo Soomaaliya ay bilaabaan wada-hadallo ay yeeshaan,” ayuu yidhi Ismaaciil Geelle oo Somaliland iyo Soomaaliya ku boorinayey inay danahooda siyaasadeed ka wada hadlaan.
Dhanka kale, Madaxweyne Geele waxa uu shirkaas ka jeediyey fekerkiisa isaga oo xusay inay Somaliland fursad weyn u tahay ka-qayb-galka Shirka London, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa kale oo aanu rumaysanahay in Somaliland Shirkan London ka faa’idayso Dhaqaale iyo Taageero laga siiyo dhanka horumarka.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net