Madaxweynaha Brazil Oo Xilka Laga Tuurayo iyo Xaalada Siyaasadeed Oo Murugsan

Brazil (SLpost)-Guddi ka tirsan congress-ka Brazil ayaa ku taliyay in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaasi Dilma Rousseff, ayada oo baarlamaanka waddankaasi uu todobaadka soo socda cod u qaadi doono arrintan.

Brazil

Madaxweyne Rousseff ayaa loo haystaa in ay ka been sheegtay dhaqaalaha dalkaasi, ayada oo shacabka u sheegtay inuu si wanaagsan kobcayo halka uu dhab ahaantii sii wiiqmayay.

Kulanka gudiga ayaa waxaa hareeyay buuq, markii ay go’aanka gaareena waxaa heesta calanka ee Brazil qaaday xubnaha mucaaradka ku ah madaxweyne Dilma Rousseff.

Fabio Ostermann oo ka tirsan urur bulsho oo lagu magacaabo Free Brazil Movement, isla markaana diidan madaxweynaha, ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay in la dhamaystiro hannaanka xilka looga qaadayo Dilma Rousseff.

Dhanka kale, waxaa magaalada Rio de Janiero isugu soo baxay kumannaan taageersan madaxweynaha xilka haysa, waxaana ay qaadayeen heeso taageera ah.

Madaxweynihii hore ee Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, oo taageersan madaxweyne Rousseff, ayaa ka hadlay isu soo baxaasi, waxaana uu go’aanka gudiga ku tilmaamay afgembi ka dhan ah madaxweynaha.