Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Digreeto ku Xaddiday Dhulka Danta Guud ah ee Berbera

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu ku socodsiiyey maamulka laamaha dawladda ee gobolka Saaxil ku xayiray dhulka Danta Guud ee magaalada Berbera oo hore looga soo saaray wareegtooyin noocan ah balse aan la dhaqan-gelin.

Dr SiilaanyoMadaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu wareegto sumaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013 ku dhaqan-geliyey Xeerka tirakoobka Qaranka oo goleyaasha Sharci-dejinta hore u ansixiyeen.

War-saxaafadeedyo lagu shaaciyey labadan wareegto oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa lagu sheegay in dawladdu dhul aan Cidi isticmaali karin (Free Zone) u aqoonsatay Dhulka Danta Guud ee magaalada Berbera, waxaanu ku amray masuuliyiinta dawladda ee gobolka in tallaabo adag laga qaado Ciddii burinaya xayiraadda Wareegtadani xambaarsan tahay.

Wareegtada madaxweynuhu ku xayiray dhulka Danta guud ah ee ku yaala xarunta Isha Dhaqaalaha Somaliland, ayaa u dhigneyd sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1792/062013 ka soo saaray Dhulka Danta Guud ee Magaalada Berbera. Isaga oo ku socodsiiyey Madaxweynuhu Masuuliyiintan:-

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Duqa Magaalada Berbera, Maareeyaha Dekedda Berbera, Taliyayaasha Ciidammada.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:  Qodobka 12aad iyo 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 1aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lambar 17/2001;

Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay ee ku taariikhaysan WDSL/MD-M//fX/15-210/0113 ee ku taariikhaysan Jan. 26, 2013, ee ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera;

Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay XIG/JSL/128/2010 ee ku taariikhaysan 29/4/2010, ee ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud;

Markuu Arkay: Amarka xayiraadda ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taarikhaysan 02/05/2010;

Markuu Arkay: Amarka fulinta ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taariikhaysan 05/05/2010;

Mudanayaal,

Dhulku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, sida ku xusan Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda ayaa awood u leh inay yeelato, gacanta ku hayso, kirayso, iibiso, ku-bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Haddaba, Xukuumaddu waxay ku hawlan-tahay qorshaynta iyo horumarinta dalka, si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u leh; laga bilaabo taariikhda maanta Xukuumaddu waxay u aqoonsatay (Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, Waddada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa ilaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.

Sidaas darteed, dhulkan oo xukuumadihii horena ka soo saareen wareegtooyin lagu mamnuucayo, balse aan marnaba la-tixgelin, waxa aan farayaa mas’uuliyiinta ay wareegtadan iyo wareegtooyinkii horeba khusayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda inay iibiso, iibsato, bixiso, sifo kale ula wareegto ama ku wareejiso dhulkaas.

Sidoo kale, Taliyayaasha Ciidammada waxaan farayaa inay gacan buuxda ka siiyaan Maamulka Gobolka Saaxil wixii arrintan khuseeya.”

Wareegtada Madaxweynuhu ku dhaqan-geliyey Xeerka Statistics-ka, ayaa isaguna u qornaa “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu dhaqan-geliyey xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013 Xeerkaasi oo ah (Statistics Law).

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, go’aan Lr. GW/G/KF-21/593/2013 ee ku taariikhaysan 28/05/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013.

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”