Madaxweynaha Angola Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Uu Xilka Banaynaayo

Angola(Slpost)-Madaxweynaha Angola, Jose Eduardo dos Santos ayaa shaaciyay inuu siyaasadda ka fariisan doono 2018 marka xilligan uu xafiiska hayo u dhammaado.

Angola

Waxa uu xilka dalkiisa hayey tan iyo 1979 taasoo ka dhigtay hogaamiyaha labaad ee ugu waqtiga dheeraa Africa.

Madax badan oo Afrikaan ayaa doorbida in xilka ay hayaan ilaa ay ka dhintaan ama xoog looga tuuro, iyadoo waddamada qaarna ay colaado horseedaan.

Sanaddii 200-dii Mr Dos Santos wuxuu sidan oo kale sheegay in uu xilka ka dagi doono, balse wuu sii watay, dad abdna waxa ay leeyihiin way adagtahay in la aamino.