Madaxweynaha Afghanistan oo ka digay Daacish

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha dalka Afghanistan, Ashraf Ghani waxa uu ka digay in haddii wadahadallada nabadda ee Taliban lagula jiro aysan billaaban ugu dambeyn bisha April, in dagaalka uu xoogeysan doono.

Waxa uu tilmaamay in natiijada arrintaa ka soo baxda ay saameyn iyo cawaaqib ku yeelaneyso dhammaan gobolka.

Asigoo la hadlaayay BBC-da, madaxweyne Ghani waxa uu Pakistan ku booriyay inay dowladdiisa kala shaqeysto la dagaallanka “Argagixisada”.

Waxa uu tilmaamay in xagjiriinta laga riixay xuduudda iyadoo militariga Pakistan ay duqeynayaan labada dhinac ee xadka.

Mr.Ghani waxa uu sidoo kale ku baaqayal dagaal wadajir ah in lala galo kooxda la baxday Khilaafada Islaamka oo dalkaasi ku xoogeysaneysa.