Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Booqday Guriga Mid ka Mid ah Saaxiibadii

Siilaanyo1Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan “Siilaanyo” oo ay wehelinayso marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Waris iyo gabadh ay dhaleen ayaa xalay booqasho ku saabsan munaasibada Ciidul adxada ugu tagay guriga mid ka mid ah saaxiibada ugu dhaw madaxweyanaha.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye “Nacnac” oo ahaa saaxiibka ay gurigiisa booqdeen oo ku yaala xaafada “Half London” ee Degmada Axmed Dhagax ayaa si diiran waxa ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo qoyskiisa iyaga oo wakhti farxadeed wada qaatay.

Madaxweynaha iyo xubnaha qoyskiisa ee wehelinayay ayaa muddo ku sugnaa guriga xildhibaanka, waxaanay dhinacyadu isku waydaarsadeen sheeko wadaag xiiso leh iyaga oo isku hambalyeeyay munaasibada Ciidal Adxaha.

Wax ilaalo ah hareero yaacayey madaxweynaha, marwadiisa iyo waliba inantooda Hodan oo ahayd qofka saddexaad ee la socday, waxaanay ku beegnayd wakhtiga booqashadoodu abaara 8:00 caweysinimo, markii ay  u dhamaatayna waxa ay dib ugu laabteen qasriga Madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland.