Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi, 23 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa Saaka subax ku geeriyooday Cisbitaalka Sheekh Zaa’id ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Col. Cabdilaahi Yuusuf oo da’diisu ahayd 78-jir ayaa waxa uu madaxweye ka soo noqday dalka Somalia intii u dhaxaysay sannadihii 2004 ilaa 2008, waxaanu xilkaas iska casilay ka dib markii uu muran siyaasadeed soo kala dhex galay isaga iyo Raysalwasaarihi Xukuumaddii xilligaas Ambassador Nuur Xasan Xuseen.

Madaxweynihii hore ayaa u geeriyooday xanuunno ka haleelay sambabada iyo kelyaha, waxaana sannadkii lasoo dhaafay dhowr jeer xanuun awgiis loo dhigay cisbitaalka uu ku geeriyooday maanta.

Cabdilaahi Yuusuf ayaa muddo haatan laga joogo 10 sanno, waxaa beerka looga beddelay dalka Ingiriiska, wuxuuna u geeriyooday hadda xanuun intiisa badan ka haleelay sambabada, wuxuuna ifka uga tagay afar caruur ah oo isugu jira laba wiil iyo laba gabdhood iyo hooyadood.

SOMALILADPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net