Madaxweeyne waan kugu hambalyeeynayaa isbedelka wasaaradda cayaaraha iyo dhaqanka

Xasan Waraabecadde

Wasaaradan cayaaraha oo aan aqoon igu filan u leeyahay waxaan ugu hambalyeeynayaa madaxweeynaha in uu asiibay isbedel uuna magacaabay wasiir cusub kadib khilaaf daba dheeraaday oo soo jiitamayae ilaa intii uu wasiirkii hore uu yimid .
Wasaaradda oo ka koobnaayd saddex waaxood oo waaweeyn waaxda cayaaraha ,waaxda dhalinyaradda iyo waaxda dhaqanka waxaan hubay in waaxda dhalinyaradu ku talaabsatay horumar kadib aasaaskii SONYO oo waxqabad badan sameeysay waxaase jirtay in mudo dheer waaxda cayaaruhu isqabsi badani ragaadiyay ilaa xidhiidhkii kubadda cagta layidhi waa lakala diray.
Waxaan aad u soo dhawaeeynayaa wasiirka cusub ee dhalinyaradda iyo cayaaraha Somaliland mudane Cali Saciid Reegal
waxaan ilaahay uga baryayaa in xilka ilaahay u fududeeyo waxaan kula talinayaa.
-In uu daraasad sameeyo habdhismeedka wasaaradda waax walba.
-In uu sameeyo la tashi

yo badan si aad u ogaatid qaab dhismeedka shuruucda cayaaraha iyo dhaqankaba.
-In aad qabato siminaaro lagu oganayo waxyaabihii hore ee ragaadiyay wasaaradda isla markaana loo sameeyo qorshe sanadeedka hore waxyaabaha lagu hormarin karo.
wixii kale ee talo ah waxaan soo bandhigi doonaa inshaa alaah dhawaan.

Allaa Mahad leh
Hassan Waraabacadde
Oslo Norway