Madaxwayne Siilaanyo oo Wakaaladdii Horumarinta Waddooyinka Ka Wareejiyay Wasaaradda Madaxtooyadda

 

Hargaysa(SLpost)-Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo xeer  kaga hoos saaray wasaaradda madaxtooyada Wakaaladdii horumarinta Wadooyinka taasi oo lagu wareejiyay wasaaradda hawlaha guud.

Warsaxaafadeeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo wakaaladdii horumarinta waddooyinka la hoos geeyay wasaaradda hawlaha guud iyadoo hore u hoos iman jirtay wasaaradda madaxtooyada Somaliland.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;

Markuu Dersay: Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka;

Markuu Garawsaday: Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;

 

Wuxuu Soo Saaray;

In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Wakaaladdan horumarinta waddooyinka Somaliland ayaa waxa hore u maamuli jirta wasaaradda madaxtooyadda Somaliland.