Madaxwayne Siilaanyo oo soo Saaray Digreeto Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Dawladda kaga mamnuucay ka qayb-galka Hawlaha Xisbiyada/ururrada iyo Hantida dawladda oo loo adeegsado

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in masuuliyiinta dawladda iyo ciidamada kala duwan ee dalku ka qayb-qaataan ololeyaasha Xisbiyada iyo ururada ee doorashada isla-markaana aanay masuuliyiinta dawladdu kaga qayb-qaadan karin Hantida Dawladda.

Madaxweyne Siilaanyo

Digreetada madaxweynuhu soo saaray oo lagu war-galiyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, laguna socodsiiyey wasaaradaha, hay’adaha kale ee Dawladda, kuwa aan dawliga ahayn iyo ciidamada kala duwan, waxa lagu sheegay inay iska jiraan ka qayb-qaadashada ama inay ka dhex muuqdaan ololayaasha xisbiyada iyo ururada. Sidoo kalena wuxuu uga digay in gaadiidka dawlada lagu dhejiyo istiikarada Musharixiinta ama calaamad urur ama xisbi u gaar ah.

Digreetada madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhigneyd sidan:

u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0:  0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan.

Ku: Dhammaan Wasaaraddaha JSL

Ku: Dhammaan Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawlada

Ku: Dhammaan Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Hay’adda Sirdoonka Qaranka

Ku: Dhammaan Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka

Ku: Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda

Ku: Ururada aan Dawliga ahayn

Og: Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay:   Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka  Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay:  Qodobka 14aad  ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista    Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011

Markuu arkay:   Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka   Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001

Markuu arkay;   Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha   Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001

Markuu Tixgeliyey:    Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.

Wuxuu soo Saaray

Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa:

Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka;

1) In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.

2) In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

3) In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.”

Wareegtadan madaxweynuhu soo saaray, ayaa sii xoojinaysa go’aan ay guddida doorashooyinka Qaranku ku shaaciyeen inay tallaabo sharci ah ka qaadayaan ciddii si badheedh ah hantida dawladda ugu adeegta cid gaar ah, waxaanay masuuliyiinta xukuumadda ee Xisbil Xaakimka iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda ku jira balse ka hawl-gala axsaabta iyo ururrada kale, ka horjoogsanaysaa inay Hantida dawladda ugu adeegaan danaha axsaabta ama ururrada ay ka tirsan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net