Madaxwayne Siilaanyo: Hoggaamiye Siyaasaddiisa hogaamineed Caddahay – W/Q: Liibaan Mawel Shire

liibaan_maaweel_shireWaxay Ahayd Maalin Sabti Ah Bisha Aprilna Ay Tahay 13, Sanadka 2013ka Markii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Uu Kulankii Sadexaad La Yeeshay Madaxwayne Ka Socda Dawlada La Jaarka ah Somaliland ee somaliya waa xasan sheikh maxamuud eh kulankaas oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka turkiga,iyadoo uu madaxwayne siilanyo uu horena laba kulan kula yeeshay magaalooyinka London iyo dubai madaxwaynihii hore ee somaliya sheikh shariif sheikh axmed.

Wafdiga madaxwayne siilanyo ee ee kulanka kula yeeshay turkiga masuuliyiinta dawlada somaliya marka laga yimaado xubnaha golihiisa wasiirada iyo hogaamiyaha xisbul xaakimka kulmiye waxa ku Wehelinayey Gudoomiyayaasha Labada Xisbul Mucaarid Ee Ucid Iyo Wadani Eng Faysal Cali Waraabe Iyo C/Raxmaan C/Laahi Ciro,Taasi Waxay Muujinaysaa Siyaasada Cad Ee Ay Ku Dheehan Tahay Isku Kalsoonanta hogaamineed ee madaxwayne axmed siilanyo,waxa kale oo lagu tilmaami karaa siyaasada uu ciyaarayo madaxwayne axmed siilanyo mid ku cusub taariikhda Somaliland in m/wayne s/land ahi uu talada ka qayb galiyo asxaabta mucaaridka ku ah xisbul xaakimkiisa.

M/Wayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Wuxuu Si Aan Gabasho Lahayn Aanu Madmadow Ku Jirin uu ganafka ugu dhuftay isla markaana uu u qaadacay in aanay Somaliland aanay ka qayb galayn shirka bisha soo socota ee may 2013 loogu qabanayo magaalada London dawlada somaliya,kaas oo uu nasteex u arkay in aanay dani ugu jirin Somaliland.

Madaxwayne axmed siilanyo wuxuu hogaamintiisii u horaysayba si wayn u badalay siyaasada xukumadiisa ee arimaha dibada, kuwaas oo habdhaqankoodu ahaa kuwo xidhxidhan,wuxuuna yoolkiisii ugu horeeyeyba ka bilaabay in uu la yimaado siyaasad furfuran oo caalamka uu kaga iibinayo qadiyada madax banaaninada Somaliland.

17 April 2013 Somaliland dhinaca siyaasada waxay ka gaadhay maqaam aad u sareeya ka dib markii m/wayne axmed siilanyo iyo wafdi uu hogaaminayo si heer sare ah loogu qaabilay guriga looga arimiyo boqortooyada ingiriiska ee 10-down street,halkaas oo ra isal wasaaraha ingiriiska david camaron ku qaabilay m/wayne siilanyo iyo weftigiisa tani waxay noqonaysaa dawladihii soo maray Somaliland oo loo tirinayey inay saaxiib aad u dhaw la ahaayeen dawlada boqortooyada ingiriiska in markii uu hraysay m/wayne ka socda Somaliland uu la kulmo nin ra’iisal wasaare ka ah dawlada ingiriiska, halka m/waynayaashii hore ee Somaliland ay la kulmi jireen ama martiqaadyada ka heli jireen wasiiro ka tirsan dawlada ingiriiska sida wasiirka ingiriiska mucaawimooyinka u qaabilsan qaarada Africa.

14kii Bishan April 2013 M/Waynaha Dalka Turkiga Mr Abdala Ghoul ayaa si heersare ah u qaabilay m/wanaha Somaliland mudane siilanyo iyo wefdigii uu hogaaminayey,sidoo kalena wuxuu m/wayne abdala ghoul si sidaa la mid ah u qaabilay m/waynaha dawlada somaliya xasan sheikh maxamud maalin ka dibna m/wayne siilanyo wuxuu kulan kula yeeshay magaalada Ankara ra isal wasaaraha turkiga rijab deyb erdogan,kulamadani waxay noqonayaan tii ugu horaysay ee dawlad ka tirsan beesha caalamku ay si isku mid ah oo laba dawladood oo siman sku soo horfadhiisiso una wadahadalsiiso dawlada gacan ku rimiska ah ee la sheegay inay ka baxday ku meel gaadhkii ee Somalia iyo Somaliland.

Yoolkan siyaasadeed ee M/Wayne Axmed Siilaanyo gaadhay waxa si wayn ugu qayliyey shakhsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan riyo ay ugu yeedheen Somali wayn ku was oo xubno ka ah baarlamaanka muqdisho.

Waa talaabo guul u ah Somaliland isla mar ahaantaana indhaha beesha caalamka u soo jeedinaysa qarankan mudada rubuc qarniga ku dhow caalamku indhaha ka qarsaday si badheedha ahna u xaqiray jiritaankooda.

Soo Jeedintii David Cameroon

Ra isal wasaaraha dalka ingiriiska david camaron wuxuu ku lankii uu la yeeshay m/wayne axmed siilanyo wuxuu u soo jeediyey in Somaliland ay ka qayb gasho shirka bisha soo socota ee may 2013 loogu qaban doono dawlada Somalia magaalada London,kaasoo uu mr camaron uu sheegay n lagu marti qaadi doono 55 dawladood oo beesha caalamka ah, waxaanu intaa ku daray mr camaron in Somalilandna ay maqaam la mid ah 55 kaasi dawladood ugaga soo qayb geli doonto shirka.

Jawaabtii Madaxwayne Axmed Siilanyo

Madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo soo jeedintaasi ra isal wasaare david camaron ee odhanaysa in Somaliland ay ka soo qaybgasho shirka bisha may magaalada London loogu qabanayo dawlada somaliya,wuxuu si aan gabasho lahayn uu mawqifka shirkaasi ka qayb galkiisa ugu cadeeyey ra iisal wasaare camaron in aanay muuqan wax nasteexa oo ugu jira Somaliland shirka London balse uu talo qaran kula noqon doono golayaasha qaranka iyo asxaabta mucaaridka ah ee Somaliland, isku kalsoonida m/wayne axmed siilanyo iyo go aanka cad ee uu siiyeydawlada Britain isagoo ku sugan magaalada London marka hore waxay rajo iyo yididiilo hor leh gelisay bulshada reer Somaliland oo markii horeba boqolkiiba lixdan iyo dheeraad codkooda siiyey m/wayne axmed siilanyo iyo xisbigiisa kulmiye,talabaad siyaasadan furfuran ee m/wayne siilaanyo waxay soo jiidatay indhaha beesha caalamka, kuwaas oo mudo rubuc qarni ku dhaw indhaha ka lalinayey jiritaanka iyo madax banaanida qaranimada Somaliland.

Guntii iyo gebagabadii

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud 22kii bishan aapril 2013 wuxuu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey maxadka lagu gorfeeyo siyaasada caalamiga ah iyo arimaha ijtimaaciga ah ee la yidhaahdo atlantic council oo ku yaala magaalada Washington DC madashan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo iskugu jiray diblomaasiyiin,iyo madax kala duwan,waxaanay khudbada m/wayne siilaanyo oo dhinacyo badan taabanaysaa iskugu jirtay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland ay soo martay,garnaqsi uu caalamka ugu iftiiminayo Somaliland waxay qabsatay iyo sida beesha caalamka iyo dawlada maraykanku ay iskaga indho tireen xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo rabitaanka shacabka Somaliland.

madaxwayne axmed maxamed maxamuud siilaanyo socdaalka dhawrka todobaad iyo afarta qaaradood ee kala ah Africa asia yurub iyo ameerica waxa laga dheehan karaa inuu yahay mid guul ku soo dhamaaday islamarkaana Somaliland gaadhisiiyey meel aad iyo aad u saraysa,sidii waynayd ee ay u soo dhaweeyeen bulshada reer Somaliland iyo xisbiyada qaranku mucaarid iyo muxaafidba.

isku soo wada duuboo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud qaadacaadii ka qayb galka  shirkii 7-5-2013 ee magalaada loogu qabtay dalka aynu jaarka nahay ee Somalia iyo go aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay in aan Somaliland ka qaybgalayn shirkaasi waxay muujinaysaa inuu yahay hogaamiye siyaasadiisa hogaamineed ay cadahay.

Wabilaahi Tawfiiq

Liiban Mawel Shire