MADAXWAYNE SHAN MAGAC KALA DOORO

Tan iyo intii ay Soomaaliland qaadatay madaxbanaanideeda waxaa madaxtinimadda iska daba Qabtay ama qasriga madaxtooyadda galay ( 4 madaxwayne.) marka laga reebo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo wali aan la qiimayn karin wax qabadkiisa  isaga oo

Mudo sanad aan gaadhin hayey xilka.  Haddaba aynu soo qaadano saddexdii madaxwayne

Ee hore oo kala ahaa:

1.       Alle ha u naxariisto Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali

2.      Alle ha u naxariisto Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

3.      Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin

Sadexdaas madaxwayne wax qabadkoodi ma ah mid qoraal lagu soo koobi karayo, iyadoo mid kasta

Lagu xasuusan karo waxyaabo lama ilaawaan ah haddii kun sano laga soo wareego taariikhdii ay xilka

Hayeen looguna magacbixin karo, marka laga yimaado ugu magacdarista meelaha caanka ah sida

Cigaal International Airport oo loogu magacdaray Airportka Caasimadda Soomaaliland.

Aynu mid mid usoo qaadano.

Alle ha nxariiste Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa u ahaa Aabihii dib u xoraynta

Soomaaliland taas oo aynu ugu wanqalo magacaas uguna qorno maabka Soomaaliland ee ay ku sawiranyihhin (Father of Idibentce)

Alle ha u naxariiste Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa u ahaa Aabihii Soomaaliland

(Father Of Somaliland) taas oo aynu odhan karno la’aantiis may jiri lahayn Soomaaliland, marka aynu

Dib u eegno marxaladaha uu ina soo dhaafiyey iyo isaga oo seeska u dhigay wadanka Allana ku guuleeyey samaynta distoorka qaranka iyo lacagta baasaboorka iyo xeerar kaloo badan.

Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin waxa u ahaa Aabihi Dimuqraadiyadda Soomaaliland

(Father Of Democracy) taas oo uu ku sifoobay hirgalintii doorashooyinka ka dhacay dalka guud ahaanba isla markaasna si sharaf leh ku wareejiyey kursiga tusaalena u noqotay guud ahaanba

Madaxda Afrika iyo Asiyaba iyo meela kale oo badanba oo Dunida daafeheeda ah.

Haddaba waxaan ka codsan lahaa dadwayne iyo dawladba in seddexdaas magac in loogu hoos qoro

Magacyadooda ku qoran Maabka Somaliland, si ay madaxda danbena ugu dadaalaan magacwanaag

Ugu qorma sawiradooda hoostooda.

Madaxwaynaha maanta talada hayana waxaan u soo jeedin lahaa waa Siilaanyo e waxa kuu banaan

Magacyadan shanta ah ee kala ah : (1. Father Of Recognition) (Father OF Development) Father Of Union) (Father of tribalism)  (Father Of War & Disasters) iyo qaar kale oo badan oo aad adigu dooran karto inta aad xilka hayso,

Shacabwaynahana aad ku halayso hirgalinta magaca aad doorato.

Wax qabadka aan wax loo dhigaa jirin waa goaanka aad ku dhiiratay ee furista ururada Siyasadda

Ee labaddiikula tartamayey midkoodna ku dheceen.

Mudane Madaxwayne ogow saxaafadu waa muraayadda aad ka arki karto wax qabadka xukuumadaada iyo wax yeeladeedaba, kana digtoonaw cabudhinteeda.  Waa taad ku dhaleecayn jirtay xukuumaddi  UDUB Mar walba.

Ilaahay waxaan kaga baryayaa in aad intaasna iska saxdo  kuna waafajiyo labada magac ee hore,

Waa Aabaha Ictiraafka iyo Aabaha Horomarka Soomaaliland.

La soco toddobaadka danbe iyo caddaalad wanaagi Madaxda Soomaaliland

(Rag cadaalad waayey sidii cawsha kala yaac) Waxa ay ka mid ahaayeen erayaddii Xil:

Maxamoud Xaashi Cabdi  1998

Qore :

Mudane ka tirsanaa Golhii hore  Wakiilada Somaliland

Cabdirisaaq Maxamed Sh. Muuse

abdirizakgxaxi@hotmail.com