MADAXWAYNE la doortow maamulkaaga xogtiisiyo xanaftiisa ma baadhay?

Sacad Qodaal-Joog
  • Qurba Joog Iyo Qodaal Jooguba
  • Laba Weeyi Qiraala
  • Inay Qayb Ka Yihiin
  • Qaranka Maanta  Joogto
  • Qormo Ay Ku Kulmeena
  • Salaan Qiimo Lohoo
  • Qalbi Saafiyi Dhiibay
  • Qosolna Ay Ku Dareen
  • Qaxwihiina La Raacshay
  • Waxay Soo Qadimeen
  • Kaftan Qaayo Lahoo
  • Taladii Qarankeeniyo
  • Quruskooda Ku Saabsan

Qurba joog: qodaalow meel ay xabadi ka dhacayso waa horaa iigu danbaysay ciidankii qaranka iyo maleeshiyadii xero ka bixiyuhu helay tolow xaalkoodu halkuu marayaa?

Qodaal joog:qurbaawow maqalkeeda xabada anba waa iigu danbaysay lama yaqaanee xanuunka dagaalka waxaan xasuustaa marka ciidanka qaranka iyo kooxda nabad diidkii ay soo weeraraan ciidanka qaranka ee xasiloonidooda iyo xanaanayntooda dirayska ugashan waxaanse ugu duceeyaa maleeshiyada nabad diidka ah inuu ilaahay xaqa garansiiyo.

Qurba joog: laba sano ka hor waxaan imiday dalka adigoo uxiiqsan kulmiye iyo madawayne siiraanyo halkay wax ka si noqdeen?

Qodaal joog: shalay,manta iyo bariba waxaan raadinayaa xurmaynta sharciga iyo xeerarka dalka, dawlad fulisana waligood heli maayaan ilaa;iyo la helo hogaan ka hawl gala

Qurba joog: haddii aad talo hayso anagay albaabada madaxtooyadu noo furan yihiine noo sheeg?

Qodaal joog: waa si wanaagsan haddii bulshada qaybaheeda kala duwan in uun wax laga dhagaysanayo fiicnaan lahayd  in qodaal joogana talada wax laga siiyo.

Qurba joog: waar halkeed ii af qaaday, qodaal jooga iyo qurba joogaba labadaba wax waa laga dhegaystaa

Qodaal joog: xukumad kasta waxaa ragaadiyay seddex arimood oo keena inaan dawlad kasta anay la iman xurmaynta sharciga,xeerarka dalka iyo kale danbaynta waana: qabiilka, laaluushka iyo musuq-maasuqa, maansadana iga dhagayso.oo daaha qaadaysa hab dhaqan aan isbadalin oo xukuumadihii kala danbeeyayba ay la wadaagaan xukuumadan maanta talada haysa .

  • Hal abuur xadantooday
  • Dhacdaduu ka xumaado
  • Runta uun ma xariiree
  • Xaraguu ku daraa
  • Murtidoo xarfadaysan
  • Dacwadiisa xanbaarta
  • Isagoon xaglinayn
  • Xogogaalna ahaaday
  • Xaqiiqduu ka hadlaa
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Wasiiradaada ku xeeran
  • Xadro joog laga waayay
  • Xulka sow ma saluugin
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xeeladaada hogaankiyo
  • Xamilkaaga dulqaadkaba
  • Xajmigoodu yaraado
  • Xanaf sow ma lahaatid
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xaafadii laga doortay
  • Xaadhintii garan waayo
  • Xilku sow ma halmaamin
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xiisahaan ku codeeyay
  • Xaaluf maanta ka joogo
  • Xaawalay talinayso
  • Xaalku sow eber maaha
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xigtadaada qabiilkiyo
  • Xurmo ay talinayso
  • Sow xisaab furan maaha
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Ka xoroobin ashkhaas
  • Xubno uu unuglaado
  • Xarna ay ku noqdaan
  • Xarsho sow noqon maysid
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xarfihiisa sharcigeeniyo
  • Xeerku aanu hagaynin
  • Xaglahaagana toosin
  • Xaakimkaaga garsoorkana
  • Xaqsoorkaa ku yaraada
  • Xajiin sow ma lahaatid
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Maamulkiisa xisaabin
  • Xirfadodda aqoontiyo
  • Xikmadoodaba baadhin
  • Xuuraankisu adkaanin
  • Xilku sow ma habaabo
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xaflad la isku amaano
  • Xayaysiis ku  mashquulo
  • Xusku uu bilo dhaafo
  • Masuulkii xarigaaba
  • Xidig uu ku mutaysto
  • Sow xariif noqon maayo
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xasilooniduu la wareegay
  • Xididkeeda fogaanin
  • Sow xagaa noqon maayo
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xayndaabkaagu hogaanka
  • Xidhiidhkooda dhaliilay
  • Xafiisyadaada dhamaan
  • Xafiiltan uu ka dhexeyo
  • Xogtu sow bixi mayso

Qalinkii: sacad x.maxamuud gadhle.

Tell:4669910