Madaxwayne, Facebook Ma Leedahay? – W/Q: C/fataah Sh. Nuux Jaamac (Suldaanka)

Hadaad facebook ogaato

waxaa filimaan ka buuxa

waxa  faalo uun ka buuxda

farahaba ka qaadi maysid

Dharaar ka fadhiisan maysid

Maxaa dhalinyaro ku foogan

Haday fiidkaba ay gaadho

Maxaa dul fadhiista Laptop !!!

iyadoo aynu ka warhayno horumarka faraha badan ee ay dunidu maanta ka samaysay dhinaca technolajiyada casrigaa oo ay maanta dunidu  marayso halkii ugu saraysay abid, ayaynu odhan karnaa Somaliland-na kama maqna horumarkaasi taasi oo aad maanta arkayso sida heerka sare ah ee ay uga tisqaaday, tusaale ahaan, nooca computerada la isticmaalayo, mobilada iyo guud ahaanba waxkasta oo casriya oo dunida ku cusub oo isla maanta laga helayo wadankeenii, hadaba horumarkan casrigaa ee dunida gaadhay ayaa sababay  is dhexgalka dadka kala jinsiyada duwan,kala isirka duwan, kala diinta duwan ,kala mansabka duwan, iyo kala aragtida duwanba kuwaas oo uu kulmiyo  goobo si khaasa loogu talo galay taas oo la isku waydaarsado afkaaraha, lagaga doodo tagtadii, lagu falanqeeyo joogtada,laguna saadaaliyo timaadada, hadaba dhalinyarada Somaliland inta dibada joogta iyo inta gudaha joogta oo aan maanta odhan karno da’kasta oo ay yihiin yar iyo waynba wuxuu wakhtiga iyo waayahu  u saamaxay inay ku kulmaan goobaha la isku madadaaliyo la iskuna waydaarsado fikradaha sida facebook iyo twiterka, kuwaas oo saamayn badan maanta dunida ku leh, tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa is badaladii sanadkii tagay saameeyay guud ahaanba dunida carabta waxaa kaw ka ahaa oo si wayn uga qayb qaatay is badalaadaasi aaladaha facebook iyo twiterka kuwaas oo is badaladii ugu waawaynaa sida mudaharaadadii iyo in dadka la mideeyaba qayb wayn ka qaadatay, taas oo af -ganbi aan abid hore loo arag dunidan sababay  galaafatayna wadamo dhan oo cududooda militari iyo cududadooda awoodeed aan marna la is lahayn dhayal dhayal ayay ku dumi  karaan sida masar, liibiya, tuunisiya, yemen, suuria iyo baxrayn kuwasoo qaarna shacabkii guulaysteen qaarna ay  qarka u saran yihiin  inay guulaystaan.

Hadaba mudane madaxwayne iyadoo aynu ognahay in ay dunida u talaabsatay dhanka horumarka iyo casriga  maxaa kuu diiday inaad facebook ama twiter ka samaysato account kaasoo oo kuu suuro galin lahaa inaad ku ogaato waxyaabo faran badan oo xaqiiqo ah balse aanad hada ogayn, tusaale ahaan marka aad aroortii soo toosto xaalada wadanka waxaa kaaga warama dhawr qof oo wasiiro iyo inta kuugu dhaw -dhaw kuwaasoo guud ahaanba wadanka xaaladiisa kuugu sifeeya si aad u quruxbadan kaagana dhiga in nimco aduun lagu jiro, iyadoo mararka qaarkoodna  kuu raaciya in rahmadiina wadanka u da’day oo wax ka dhimani aanay jirin, iyagoo kugu qancinaya inaanay wax dhibaato ahi wadanka ka  jirin, baahina aanay jirinba oo dadku dharagsanyahay,hadii ay waxoogaa kuu taataabtaana ay kugu qanciyaan inay yartahay , sidoo kale ayaa ay kugu qanciyaan iyagoo dhanka wanaagsan wax kaa tusaya inuu wadanka ictiraafku  ka maqanyahay oo kaliyaati.

Balse hadii aad inuun lahaan lahayd ama aad samaysato account, waaba hubaal inaad xaqiiq badan ogaan lahayd, waxaan shaki ku jirin inaan la idiin kala sheekeeyeen adigiyo shacabkii ku soo doortay, waxaan muhmal iyo madmadaw galgaleen kalsoonidi aad sida dhibta yar u kasbatay, dadkii sida hagar la’aanta ah kuugu codeeyay inay talo iyo tusaale ku siin lahaayeen, sidoo kale waxaad wax badan ka ogaan lahayd wacyiga dhabtaa ee wadanku ku suganyahay, waxaad ogaan lahayd xaqiiqda dhabtaa ee wadanka ka taagan  duruufaha dhaqan dhaqaale iyo sida xaalku yahay, waxaad ogaan lahayn in baahi badani wadanka ka jirto taas oo aad balan qaaday inaad wax ka qaban doonto wakhtigii aad mucaaridka ahayd ee aad dadka dhagaysan jirtay ee aad talada urursan jirtay, waxaanad la socon lahayd cadaalad darada baahsan ee wadanka ka jirta, iyo guud ahaan in khayraadkii wadanku uu ku kooban yahay in yar oo gaara oo markoodii hore wax haysatay iyo in yar oo kale oo xilku awood siiyay, sidoo kale ayaad dareemi lahayd in dadkii iyo agoomihii SNM-ta ee iyagoo gaajaysan ku dhawaaqi jiray is badal ayaanu u baahanahay ee wakhtigooga oo dhan u sadqeeyay siday kurisga kuu gayn lahaayeen inay maanta baahidii ugu darayd ee abid soo martaa ay hor taagantahay oo lacagtoodii iyaga lagu soo qaatay ay meelo gaara marto, sidoo kale ayaad wax badan ka ogaan lahayd in dhalinyaradii  ay badankoodii wadanka uga tagayaan camal la’aan baahsan taasi oo cilmigii iyo jaamacadihii ay ka soo baxeen ay tahay bar kuma taal, oo shaqooyinkii ay dhursugayeen iyo rajadii ay ka qabeen xukuumadaadu ay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxaad ogaan lahayd oo aad  ka faa’idi lahayd in  wakhti yar gudihii in talada ay kula wadaagi lahaayeen dhalinyaradu oo ay ku siin lahaayeen xal aad ku xaliso dhibaatooyinkaa camal la;aanta, waxaad ogaan lahayd musuq maasuqa ay sameeyaan wasiiradaadu, waxaanad dareemi lahayd wax kasta oo ay kaa qariyaan kuwa kugu dhawi, waxaad la xisaabtami lahayd wasiiradaada maalinkasta beenta kuugu sheekeeya, waxaana yaraan lahayd cabashada dadka,  qudbadaada waxay ku saabsanaan lahayd wacyiga taagan waxaanad ku tarjumi lahayd lahayd cabashada dadka iyo sidii aad u dawayn lahayd, waxaana marag ma doon ah in aad heli lahayd talooyin aad ku waarto oo xukuumadaada ka dhigi lahayd mid aan abid laga xiiso dhicin, waxaa kugu soo hiran lahaa oo fikirkoodu si habsami ah kuugu deeqi lahaa somalianders-ka dunida daafaheeda ku nool iyo inta gudaha joogta ee madaxtooyada laga hor joogo ee ay maalinta ay dan kuu yeeshaan bilo qaadato inay soo galaan gudaha madaxtooyada iskaba daa inay ku arkaane, hadaba madaxwayne waxaan kugula talinayaa dunida way ka baxday madaxwayne qol ku jira, bal u fiirso Obama wuxuu leeyahay accounts oo uu ku leeyahay facebook iyo twiterka kuwaas oo uu kaga jawabo malin kasta boqolaal email oo isugu jira talo, tusaalayn, iyo canaanba kuwaasi oo wax u tara xukuumadiisa, sidoo kale waxaan shakiyi ku jirin in madax badan oo dunida ka mid ahi ay wakhtigooda qayb siiyaan siday dadkooda si indirect ah ugala hadli lahaayeen goobahaa arimaha bulshada ( Social Media) ee facebook iyo twiterkaba.

Ugu danbayntii madaxwayne waxaan kaa codsanaynaa in fikradaha wax ku oolka ah ee maalinkasta kumanaanka qof ee somalilanders-ka ahi ay ku soo bandhigaan aaladaha casrigaa ee cid ku dhaqanta aan lahayn hadiise lagu dhaqmi lahaa aanay marnaba wax inaga khaldameen hadaba waa inaad isku  dayso inaad samaysato oo ugu yaraan wiigii aad hal mar isku daydo inaad u jawaabto inta wakhtigooga kuu soo hurtay ee talo ku soo siisay, inta ku dhaliishana aad ka qanciso sida xaalku yahay, oo aad madaxwayne ka ilbaxdo qolkan madaxtooyada ee aad dhex hawaarto oo aad dunida la socoto, wasiiradan iyo guul wadayaashan hadh iyo habeen beenta kuugu sheekaynaya ee adiga iyo dadkii ku soo doortay idiin kala tarjumaya ee idin kala irdheeyayna ka ilbaxdo, hadii kale waxaa dhici doonta maalinta ay dadku kacaan ee inaad odhan doonto dadku maxay ka cabanayaan sawkii waxba ma xuma la igu lahaa, ogowna dunida maanta in si dhibyar la isku af- ganbiyo karo oo ay shacabku ilbaxeen tusaale fiicana waxaa kuu noqon doono wadamada carabtaa. Guntii ,gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan ku soo af-xidhi lahaa maqaalkaygan Madaxwayne isku day inaad samaysato account  facebook ama twiter ah  oo ugu yaran  kaa caawin doono wax badan oo wax wayn kuu tari doona,hadii aanad haleeli karayn isku day cid inaad hawshaa u xil saarto oo ay odhaahaha iyo fikradaha dadkaba kuu soo ururiyaan oo ay kuu akhriyaan si aad ugu yaran wax dhaba uga ogaato cabashada shacabka , waanadooduna ay noqdaan qaar inuun ku soo gaadha.

Qalinkii : C/Fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email: Samriye99@Hotmail.Com

Mobile: 4474468