Madaxwayne, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ma Wasaarada Iyo Qaranka U Soo Shaqee Ayaad U Soo Magacawday Mise Wasaarada Soo Dumi – W/Q: Ismaaciil Yuusuf Guuleed

agaasimaha xoolahaAsalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu

Bismilaahi waa bil kheyraade ilaahay sharkeeda hayna dhaafiyo khayrkeedana hayna siiyo. waxaan guud gaadhsiinayaa dhamaan warbaahinta maxaliga ah iyo ta caalamiga ahba.

Waxaa amintan lajoogo qalinka u qaatay arin aan qarsanaayey oo I qarsatay, rajadaan filaayey aniga iyo dhamaan dhakhaatiirta veterineryga ah iyo inta ila fikirka iyo dareenka ahiba oo ragaaday. samirkaanu samraynay oo nala jiitay hagardaamo iyo dibindaabyo dheeraadana  la timi rabshado iyo isku dhac hor leh oo dalka iyo dadkaba taabata keeni karta oo uu nagu wado GDga WASAARADA XAANANADA XOOLUHU madax iyo minjaba taasoo hadaanu madaxweynuhu wax ka qaban taaban doonta doorkiisa  iyo xisbiga kulmiyaba.

Somaalidaa tidhaahda ninka adhiga lagala quusto ayaa geelaa loodiraa. Gara’oo hada geela qofka noocaas ah loo dirayaa wuxuu ka mudan yahay dhamaan hantiga Somali haysato ama dhaqato ee caado ahaan faanka iyo mudnaanta koobaadba u leh.

Markay sidaa tahay waxaa iswaydiin mudan tolow hadaba marka dhanka dhaqanka laga eegaayo qofka  reer ama qoys katirsani misaanka xilkasnimo,dulqaad,deeq iyo dadaal ee mustaqbalkiisa maxaa lagu suureeyaa oo lagu sii gartaa. Taasaa aabaha iyo hooyada ubadka dhalay dhugashadooda marka ciyaalku yaryar yihiin ay xeelad awoodeed oo ilaahay siisyey ku kala soocaan kuna kalasifeeyaan caruurtooda ayadoo markay raad dhaqaajiska ama ay neefka adhiga ah dhengeda xiliga ay u qaadan karaan loo diro xoolaha ama caruurta kawaawayn la raaciyo dabadeed midba midka uu ka firinfircoon yahay magacba magaca uu ka wacan yahay loogu yeedhayo midba midka uu ka xoolo hunaysan yahayna ama kajilicsan yahay qof ahaan caruurta kale guriga iyo dudada/muska aqalka lagu reebaa. Kanoocaas oo kale ahna waxba laguma aamino waxna looma dirsado haduu sidaa yahayna naftiisa waxba kuma taro mid qofkalena waxba kuma taro.  Marka danbana meelahaas uunbuu darxumo ugu dhintaa hadii cid aan qof ahaan u taqaanana albaabka kafurto fartay marka dambe dhexda kaqaniinta oo way ku hungoobaan hagardaamo mooyee wax kalana kuma taro aadamaha bey’adda uu kula nool yahay sida DGga CAGAWEYNE.

Hadaba marka taa laga yimaado umad jirta oo qaynuun iyo dawlado dhista ayaa waxay umadda dooratay ee hawlaha qaran u dirsatay  waxay marka dambe horkeenaan looma fadhi iyo qof laga inaabsaday sida masuul hungeedka hoos aynu ku arki doono oo kale sidaa awgeed waxaa iswaydiin leh muxuu hogaanka umadeed ku doortaa hawl wadeenadiisa uu lakaashanayo socodsiinta hawlaha qaran ee nooc walba leh? Mase asiibaa inta badan inuu umada xil ugu dhiibo qof hagar laawe ah oo uu kaga gam’o masuuliyada uu u igmaday? Mase ogaadaa oo maka daba yimaadaa waxuu falay iyo wuxuu dhimay midna. si loo daba qabateeyo dayaca magac xumida u soo jiidaya qaranka ee uu gaystay! Isagoo sitoosa u soo taabanaya ninkasta masuuliyada uu u igmaday ayadoon cidi u sheegayn.

Aan usoo degayo dulucda maqaaladaydan oo aan in mudo ah aan jecelahay inaan kusoo saaro warbaahinta dalka iyo dibadaba inta aan ka gaadhi karo. Oo ah ka aradnaanta haybada masuuliyadeed ee AG/GUUD ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha, shakhsiyadiisa iyo mooganaanta  xukumada uu magaceeda dhulka jiidaayo.

Aan bilaabo e waa kuma DG.CAGAWEYNE agaasimaha wasaarada xanaanada xooluhu? Muxuu qabtaa  maxuu kashaqeeyaa? Muxuuse yaqaana? Waa shakhsi nooca ah?

Aan ku horeeyee shakhsiyada DG kusheega cagaweyne  sida ay noosheegeen eheladiisu waa qof qarfal marjac ah oo waalan bilaa xishood ah waxbana aan kaxishoon qowl iyo wacad midna lahayn waxii aan dan ugu jirina ama aan wax kazoo gelayna aan u tudhin una nixin private iyo public miday doonto ha ahaatee. Waana nin isagoo wayn laga soo kexeeyey miyiga awaare  sida uu adeerkii u xaqiijiyey niman dhakhaatiir ah. Ka dib waxaa lageeyey  xamar isagoo gabadh umuliso ah fermesigeeda wax ka bartay markii dalku burburayna uu ka soo koobiyeey qaabkii ay dadka uga umulin jirtay Somaliland na u sheegtay dhakhtar gynecologist ah taasoo ay siday wax ugajiraana ay run u eegtahay oo dhakhaatiirtoodhami ku odhanayaan maaha dhakhtar  sida la ogsoon yahayna  ay soo baxday inaanu ahayn waxa uu sheeganaayo oo uu iska qalay gabadh aan sedkeediiba u buuxsamin isla markiibana ay dhimatay. Hungoy ku ba’ay! Meesha kama tage waxse kuma tare.Taas waxaa u sii dheer dhibaatooyinka ku gadaaman DGkusheega cagawayne ee dowladuna ku hungoowday inaanu awoodi Karin oo aanu maamuli Karin farmasi dukaankiisa khibrad daro maamul awgeed. Shakhsiyad xumida alle ku galaday DG kusheega WAXOOL waxaa ka mida afxumo,aqoondaro xishood la’aan cid dhaafid la’aan, ixtiraam daro uu ku hayo dhamaan shaqaalaha wasaarada iyo hay’aadka wada shaqaynta la leh wasaarada xoolaha.

DG cagaweyne iyo siduu u arko ama uu ka sheego Xilka Loomagacaabey:

Mudane madaxweyne xilka aad ku hibaysay ee aad ku maamuustay DGga WAXOOL markii uu wasaarada noogu yimi wuxuu noosheegey markaanu waydiinay maxaa laguugu soo magacaabay wasaaradan adoo dhakhtar dad sheegta ciidagalena rag kaafiican dhanwalba xoolahana bartay ay jiraan kulmiyena kujireen adigu side ayaad halkan ku timi. Wuxuu noo sheegay in uu booskan iibsaday oo lacag dhan $17000 siistay cidina aanay ka qaadi Karin. Tasoo ka markhaati ah aqoondarada kahaydata  aratida mihnada iyo maamuuska ay u yeeshay dawlada sharafta leh ee kulmiye hogaankeedu. mid isaga qayrkii beri lasiindoono oo uu xilka loo igmaday si sharaf leh uu u guto inta uu joogo taana aanu garanayn balse sida hada ka muuqata ee uu uga dhex dhaqmo wasaarada iyo shaqaalaheeda ee aan loo adkaysan Karin ayaa noqonaysa mid wax kajiraan waxaa uu sheego marka aad eegto sida uu isku halaynta u qabo ama markaad eegto isagoo noocan ah sida uu uga hadhay isku shaandhayntii, magacaabistii iyo xilkaqaadistii lagu sameeyey DGyada xukumada Kulmiye ee JSL. Hadaba waxaa is waydiin mudan md.madaxweyne bal cida DGgan WAXOOL lacagta ka haysa ee uu kursiga ka iibsaday, halka lagaga qaaday iyo halka uu usoo maray? ilayn waanu ognahayoo dalka mansabkiisa kursiyeed lacag laguma helo lagumana gaadhee. Taas jawaabteeda waxaan u dhaafayaa xukumada afhayeenkeeda, wasiiru dawlaha madaxtooyada iyo wasiirka madaxtooyada oo dusha kalasocda una qaabilsan aruurinta xogaha wasaaradaha dalka iyo u gudbiteeda madaxweynaha inay kazoo jawaabaan. Qayrul masuulnimada noocaas ah ee ku xun dawladnimada, xukumada kulmiye, sharafta madaxweynaha iyo anagaba wasaarad ahaan ee uu ku dhaqmo tasoo aanu qarsan ee uu meel walba kaga sheekeeyo. Hagardaamooyinka iyo handadaada joogtada ah ee uu wasaarad ahaan madax iyo minjaba ku  hayona waxaan kusoo tebin doonaa maqaalada dambe ee sida joogta ah u soo bixidoona

LASOCO QAYBTA 2BAAD…………..

                                                                                                                     ISMAIL YUUSUF GUULEED.

 Magabade143@outlook.co.uk