Madaxwaynaha Kenya oo ku gacanseydhay baaq ah in la joojiyo howlgalka lagu raafayo dadka Soomaalida ah ee ku…

KENYA (SLPOST):-Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Wilyam Ruto ayaa waxa ay ku gacanseydheen baaqyo kala duwan oo laga dalbanayey inay la joojiyo raafka sida gaadh ka ah loogu hayo

download (8)

  dadka soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo dhowrkii maalmood ee tagay laga qabqabtay kumanaan soomaali ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur tiro badan kuwaas oo imika la isugu geeyey garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Nairobi kadib  markii ay buuxdhaafeen saladhigyada booliska ee magaaladaasi.

Madaxwaynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa oo howlgalka lagu raafayo dadka asal ahaan ka soo jeeda soomaalida u bixiyey magac ah howlgalka ka dhanka argagixisada ayaa sheegay in  uu sii socon doono howgalkaasi  waxa ayna ku doodeen in inta laga sifeynayo  dalka dadka qalqalka ku haya amanka uu hawlgalka sii socon doono ,waxayna intaasi ku dareen in ilaa qof waliba oo Kenyan ahi uu cabsi la’aan ku seexdo in hawlgaladu ay sii socon doonaan sida ay yidhaahdeen.

Madaxwaynaha dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale uga digay siyaasiyiinta in ay hawlgalka socda ay ka dhigaan mid lagu bartilmaameedsanayo qoomiyad ama diin gaar ah ,iyada oo la ogyahay in dad aan soomaali aheyn aan howgalkaasia lagu qabanin,wuxuuna ku dooday in ay diin iyo qabiil si gaar ah loo bartilmaameedsanayo aaney jirin islamarkana lagu raad joogo Danbiilayaasha sida uu hadalka udhigay.

Hadalka ka sooyeedhay madaxweynaha Kenya iyo ku-xigeenkiisa ayaa imaanaya iyada oo hoggaamiyeyaasha soomaalida oo ay ku jiraan madaxda dowladda soomaaliya ,wasiiro,ganacsato ,siyaasiyiin soomaali ah oo xilal sar sare ka haya dalka Kenya ay ugu baaqeen madaxweynaha Kenya in  la joojiyo howlgalka sida gaarka ah loogu bartilmaameedsanayo dadka soomaalida ah ee ku nool Nairobi taas oo sida muuqata uu ku gacanseydhay madaxweynaha Kenya.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland