Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somalialnd OO Tacsi U Diray SHacabka Jamhuriyada somalialand Geerida Marxuun Cabdirashiid Cali Cilmi

Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland waxa uu alle uga baryayaa naxariis iyo dambi dhaaf iyo inuu

janatul Firdowsa ka waraabiyo Marxuunka

A-A-A-SIILAANYOTACSI MACSIDA MADAXWAYNUHU WAXAY U DHIGNAYD SIDAN.

Mxadaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland,Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,waxa isagoo ku hadlaya afkiisa iyo afka shacabka iyo ka dawlada Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta,waxgaradka waayeelka culimada iyodhamaan shacabka reer awdal gaar ahaan qoyskii,eheladii,asxaabtii iyo dhamaan shacbiwaynaha Somaliland ee uu ka baxay
Marxuun Cabdirashiid Cali Cilmi (Soomane) oo ku geeriyooday 22-6-2016 magaalada Boorama.

DHanka kale madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland waxa uu ku tilmaamay marxuunka shaqsi ka soo qayb qaatay Tisqaadka hanaanka dimuquraadiyada somaliland,isagoo ahaa xildhibaanadii ugu horeeyay ee golaha deegaanka degmada Boorama sidoo kalena isagoo ka mid ahaa xubnihii lafdhabarta u ahaa xisbiga kulmiye.