“Madaxtooyadaa aboor ku noqotay dawladdii, qarannimadii, dastuurkii iyo sharcigiiba” Faadumo Siciid Ibraahim

 

 

 

Hargeysa(SLpost)- La taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha Waddani, Marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa cambaaraysay iibinta xarunta waxbarashada haweenka ee Women’s club-ka oo la sheegay in dad gaar ah xukuumaddu ka iibisay.

 

 

 

“Somaliland waa Dawlad Sidii ay u taagnayd aboor dhexda ka cunay, aboorkaasina waxa weeyaan madaxtooyada. Madaxtooyadaa aboor ku noqotay dawladdii, qaranimadii, dastuurkii sharcigii iyo dhinac walba. Maanta Somalilandeey Waxaan anigu qirsanahay in ay dawladdini doonayso in ay Somaliland baabiiso in ay callankeenna baabiiso, in ay jiritaankeennii aynnu u soo dhididnay ee aynnu usoo halgamaynay ee rag u dhinteen” Ayey hadalka ku bilawday Faadumo Siciid.

 

 

 

“Marka maanta meeshii yarayd ee haweenku iskugu imanayeen ee wax ku baranayeen ee ay ku mededaalanayeen ee Women’s club-kii , dawladdii dhammayd ee Somaliland iibisay markay wax walba soo cuntay ee wax walba soo dhammaysay ee meel kale oo ay hujuunto wayday, markay hoygii yaraa ee haweenka ee Women’s Club-ka u soo fadhiisatay ay Iibisay maxaa Somaliland u hadhsan,” ayay tidhi Marwo Faadumo.

 

 

 

Lataliyaha guddoomiyaha Waddani Marwo Faadumo Siciid waxay ku dooday in iibinta guriga qadiimiga ah ee haweenku sababi doonto tahriibta haweenka “ Dhalinyaradii shaqo la’aan iyo mustaqbal la’aan ayay u tahriibeen, ma hooyooyinka ayaa la doonayaa in iyagana wadadaas lagu tuuro? Dawladdi ma hadhin, wax allaale wax haykal dawladeed ah oo hadhsani ma jiro” ayay tidhi Faadumo Siciid.

 

 

 

Ugu dambeyn waxay farriin u dirtay haweenka wasiirada ka ah xukumadda Siilaanyo “ Waxaan la hadlayaa dumarka wasiirada ah ee ku jira dawladdan mustaqbal la’aanta inagu riday, Marwada koobaad ayaan la hadlayaa, waxaan idin leeyahay xageed dumarkayagii dhigteen, xageed magacayagii iyo sharaftayadii maanta dhigteen, markaad hantidii dumarka Iibiseen ee Women’s clubk-kii iibiseen maxaa ku xiga eenu idinka filaa,” ayay tidhi Faadumo Siciid oo kula talisay wasiirada dumarka ah iyo marwada madaxweynaha inay dib isugu noqdaan lana daayo guriga haweenku wax ku baranayeen.

 

 

 

Xaruntan ayaa muhiim u ah waxbarashada haweenka, waxaana xirfadaha iyo waxbarashada dadban ka barta haween tiro badan oo ka kala yimaada daafaha kala duwan ee caasimadda. Wasaaradda waxbarashada iyo xukuumadda toona ayaan wali ka hadal arrintan.