Madaxtooyada Somaliland oo Siyaasiinta Mucaaradka ah Qaarkood ku tilmaantay inay U Baahan yihiin Nasasho ay ku Qaataan Goobaha Cilaajyada ee Dadka Xanuunsada lagu Dabiibo

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa ku tilmaantay siyaasiyiinta gadh-wadeen u ah hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID qaar ku fashilmay loolanka siyaasadda dalka, wakhtiganna u baahan inay nastaan goobaha lagu xannaaneeyo wax ay ku sheegay dadka fududaada ee nasashada u baahan.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa madaxtooyada, ayaa si adag u difaacay eedaymo Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenkiisa Saddexaad Muj Cali Maxmaed Yuusuf (Cali-Gury) ay ku dureen madaxweynaha Somaliland  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan.

Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo si kulul uga jawaabayey eedaymaha siyaasiyiintaasi u jeediyeen madaxtooyada, ayaa soo bandhigay dhaliilo ku duugan sooyaalka taariikheed iyo miisaanka hoggaamineed ee siyaasiyiintani ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,

Axmed Saleebaan Dhuxul oo ugu horreyn ka hadlayey ujeeddda shirkiisa jaraa’id, ayaa yidhi, “Waxaan halkan idiinku yeedhay inaan u jawabo Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo ninka la yidhaahdo Cali Guray oo isna xisbigaasi ka tirsan oo sidaad ka warqabtaan beryahan caadaystay waxyaabo ay ku dheleecaynayaan Xukuumada iyo Madaxweynaha.

Hadalo uu qof masuul ah oo hadana masuul sheeganayaa uu ku hadlo, oo deel qaaf ku ah qofkasta oo masuuliyad sheeganaya, masuuliyada saaranina waxa weeyi in hadalkiisu tudhaale yeesho oo hadalkiisu qiimo yeesho iyo in waxa uu sheegayaa ay noqoto wax dhab ah oo ay ummaddu qaadan karto, laakin haday noqoto in qof waliba wuxuu doono iska sheego cidda markaasi hadalka wanaagsan iyo ladifnaanta wanaagsan iyo akhlaaqda wanaagsani ku jirto sheegi karta ayaa masuuliyada u qalmi karta.”

AFHAYEENKAMr Dhuxul waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo ku sheego mid lagu hungoobay. “Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal CalI Waraabe isaga oo madaxweynaha wax ka sheegaya waxa uu yidhi waxa uu ku fashilmay hogaamintii SNM, waxa uu ku fashilmay ayuu yidhi hogaaminta Somaliland, Guusha ayuu fashilaada u yaqaana Faysal.

Madaweynaha Jamhuuriyada Somaliland waa la ogaa oo SNM waxa uu soo hogaamiyey mudadii ugu adkayd iyo wakhtigii ugu adkaa. Guushii SNM ka dhalatay waa guushii qarankan Somaliland uu maanta ku taagan yahay, waa guul uu hormood ka ahaa habeen iyo maalin, waa guul uu muddadii uu hogaaminaayey SNM ku hogaamiyey, Wakhtigii ugu dheeraa ayuu SNM soo hogaaminaayey, wakhtigii hawl-galada ugu badan ay qaaday ayuu SNM soo hogaaminaayey, maanta waa nasiib-darro inuu Faysal Cali Waraabe yidhaahdo hoggaamintii ayuu ku fashilmay Madaxweyne Silaanyo.

Ummaddu aad ayey ugu dulqaad badan tahay in uu Faysal Cali waraabe dhex joogo oo ay u dulqaadato oo ay weliba qadaf iyo meelka dhac uu ula yimaado aad ayey ummaddani ugu dulqaad badan tahay kuwii guusha u keenay qarankan kuwa guusha ku hogaaminaayey qarankan markuu ku nisbaynaayo kuwo fashilmay waa la yaab,” ayuu yidhi.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Faysal waa la ogaa oo xisbi ayuu sameeyey la yidhaaho UCID oo doorashooyin ayuu u soo galay dalka, laba jeer ayuu tirtanka ka qayb-galay, marwalba sida u caadada ahayd Faysal Cali Waraabe xaga danbe ayuu ku hadhi jiray intaan lagu dhawaaqin natiijada mar walba waxa uu isku deyi jiray in labada xisbi kolba kii uu is yidhaahdo wuu guulaystay inta uu u tago in uu yidhaahdo aan kuu markhaati furee ii celi lacagtii igaga baxday Ololaha, markhaati furku arrin u caado ah weeye ilaa UFO oo uu surin walba, Dariiq walba la taagnaa, taasi ceebtiisa maaha waa arrin uu caan ku yahay uu ogyahay.

Maanta marka uu leeyahay madaxweynaha iyo SNM-tii ayaa lagu fashilmay, isagu wuu jeclaa inay SNM fashilanto, waayo Isagu Colkii kale ayuu ahaa, qofkasta oo aan SNM rabitaankeeda iyo hour-socodkeeda doonaynina waxa uu ahaa mid ka soo horjeeday wixii ummaddani ay ku burburtay wixii ummaddani ay  isku xoraysay wixii ummaddani lagu hogaaminaayey ee maanta milgaha iyo sharafta ummadda keenay.”

Waxa uu afhayeenku soo qaatay wax-qabadka xukuumadda Siilaanyo ka hirgelisay dalka isaga oo isbarbar-dhig ku sameeyey doorkii ay dalka ka soo qaateen xukuumadihii isaga kala dambeeyey hoggaaminta dalka, waxaanu yidhi,  “Waxa aynu ogayn qarankan iyagaa shacabka Somaliland kala doortay madaxdooda waa la tartamay rejada ay shacabka Somaliland u hayeen Madaxweynaha Somaliland, aqoonta ay u lahaayeen, sida ay u yaqaaneen qof wax hogaamin kara oo wax dhisi kara oo qaran dhisi kara ayaa shacabka Somaliland Rabitaankiisa ay ku saleeyeen doorasho ay ku doortaan Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).

Waxaan saxaafada waydiinayaa iyo shacabka Somaliland kana markhaati yihiin Guul-darro ma waxa ay timaadaa marka wixii 20-ka sanno la sugaayey ee qarankani uu sugaayey ee darajadeena iyo sharafta ummadda iyo karaamada ay huwan yihiin Ciidamada qaranka loo dhamaystiray derajoyinkii ayey fashilaadi timaadaa, bal is waydiiya waxa qarankan lagu kordhiyey waxa uu qof waliba garan karaa hadii uu qiimeeyo. Malihi dawladihii horaan waxba qabanin, laakin wixii la soo qabtay 19 Sannadood iyo wixii ay xukuumadani qabatay way caddahay in waxa ay xukuumadani qabatay ay xoog uga badan tahay.

Waxa xaqiiq ah haday noqoto siyaasadda arrimaha dibeda haday noqoto amniga dalka, haday noqoto dhismaha ciidamada iyo derajo-siinta, hadday noqoto horumarinta dalka, haddaan tusaale u soo qaato saddexdaa sano ee ay xukuumaddani jirtay waxa la dhisay 343 waddo oo laga dhisay dalka, horumarku ma Guul-daraa, Faysal iyo Cali horumarka ayey guul-darada u yaqaaniin.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland sharaftii ay ummaddani u doorteen ayuu ku hogaaminayaa, sharaftii ay ummaddani ku doorteen ayuu wax ku qabanayaa, sharaftii uu ummadda ku dhex lahaa iyo hogaamiyenimadii uu SNM ku soo hogaamiyey ee ay ku timid guusha aynu maanta joognaa.”

Isaga oo afhayeenku u jawaabayey Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee UCID Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) uu yidhi, “Ninka la yidhaa Cali Guray sidaan horeba u sheegay dhawr xisbi ayuu isu maray oo kolba xisbi ayuu hubiyaa oo uu ka tagaa imika UCID ayuu joogaa, Cali Guray marwalba waad aragtaan in uu wax caayo marwalba waxa aad aragtaan inuu wax dhaliilo weligii Cali guray caydaa uu madaxda iyo hogaamiyeyaasha u caayayo hadii ay nasteex ka tahay, hadday wadaninimo ka tahay, haday ka tahay inuu qarankan u  tudhayo, weli ma ku aragteen talo uu ku bixiyo waxaa uu dhaliil sheegayo, qofku hadduu dhaliil sheegayo oo uu muwaadin yahay, hadduu xilkaas yahay, hadduu waxgarad yahay wuxuu ku daraa waxaaasi iyo waxaasi ha la toosiyo, wuxuu ku daraa waxaasi iyo waxaasi waa laqabto, Cali guray, cayda iyo xanta kuwa karaamaysan ee ummadda hogaaminaaya ayaa risiq u noqotay uu quuto. Cali Guray maalin walba caydaa uu joornaalada uu ku qorayaa waa u risiq waa laga yaaba in ay dad ka danbeeyaan oo Caliyow sidaasi dheh ay yidhaahdaan ee fikir isaga ka yimid iyo wax isaga ka soo go’ayba aanay ahayn ee uu adeegsi ku yimid, isaga waxa aan leeyahay iyo Faysalba xukuumaddan masuuliyad ayaa ka saaran cid wal oo dalkan ah, iyadaa loo igmaday iyadaa loo doortay in ay masuuliyadda ummadan ay hayso.

Ciddii u baahan nasasho, goobaha nasashada ee dadka fududaaday lagu dejiyo, ee lagu xannaaneeyo xukuumaddu iyadaa masuul ka ah inay geyso, wakhti suuq lagu sii daayo waabay dhaafeenba.

Shacabka Somaliland waxa aanu ugu hambalyeynaynaa oo ay runtii karaamo iyo sharafba ku mudan yihiin sida xilkasnimada ah cida dhac-dhaca iyo hagardaamada in ummaddani ay kala tagto jecel aanay u dhegtaagin. Kuwa u baahan in ummadda laga qabto, ummadda laga xafido shacabka Somaliland way og-yihiin iyagaa rabitaankooda cidday doonayaan inay hogaamiso ku doortay iyagaa ku barbartaagan ciddaasi.”

Afhayeenku waxa uu difaacay dhaliilaha ay siyaasiyiintaasi u jeediyaan Wasiirka Madaxtooyada oo uu ku tilmaamay masuulka ugu wax-qabad badan dawladda, isaga oo ku dooday inaanay u quudheen af-lagaaddada iyo dhaliisha ay u jeediyaan Wasiir Xirsi haddii ay ka war-hayaan hawsha uu qaranka u hayo, waxaanu yidhi, “Labadaa nin bal u fiirsada in aaanay dal iyo dad waxa ay u tudhayaan jirin oo aanay lex-jeclo ka hayn  marwalba waxa ay ka hadlaan oo ay caayaan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka mid yahay wasiirada Somaliland hadday og-yihiin wakhtiga uu shaqada soo galo iyo wakhtiga uu shaqada ka rawaxo, haday og-yihiin qof binu-aadam ah oo damiirlihi ereyo noocaasi ah umuu quudheen, ee intuu halkan ugu yimaado ayuu hambalyeyn lahaa, xilkasnimo ayuu muujiyey xilkii madaxweynuhu u igmaday inuu si muwaadinimo ah uga soo baxo, si qadarin leh uga soo baxo, si qiimo leh uga soo baxo, qofkaan ummadda karaamayn illaahayna ma karaameeyo, Xirsi ummadda wuu karaameeyaa qof weyn iyo qof yarba, umadda sharafteeda iyo karaamadeeda xaqiiq weeyi inuu karaameeyo laakin kuwa aan ummadda karaamayn een ummadda u tudhin cayda Xirsi iyo xanta Xirsi ay risiqa  u noqotay, ayaa habeen iyo maalin ku taagan oo iyagu wax ka sheegaya.”

Somalilandpost.net

s.hawd@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland